​Somalia: Guddoonka Barlamanka oo xayiray safarrada Xildhibaanada

Image

MUQDISHU- Gudoomiyaha Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta [27 April, 2016] sheegay wixii hadda ka dambeeya inuusan jiri doonin Xildhibaan u bixi kara safar dalka dibaddiisa, isagoo ugu baaqay kuwa maqan inay dhaqso usoo xaadiraan.

Jawaari ayaa sidoo kale ka digay in mudanayaashu maqnaadaan kulamada muhiimka ah ee golaha shacabku yeeshaan isagoo xusay inay soo dhammaatay waqtigii la iska maqnaan jiray.

Gudoomiyuhu wuxuu amarkiisan u cuskaday howlo badan oo Barlamanka horyaalla isagoo sheegay in dhammaan Xildhibaanada saarantahay mas'uuliyad badan, dalkuna ku jiro marxalad kala guur ah.

Arrintan ayaa timi xilli maalmihii lasoo dhaafay mudanayaashan kulamo kala duwan uga socda xaruntooda Muqidishu, waxaana jiray xubno badan oo ka maqnaa fadhiyadaasi iyo kuwa jiray safarro dalka dibadiisa ah.

Barlamankan, ayaa waxaa u haray muddo kooban iyadoona u socda kalfadhigoodii 8-aad, waxaana la kala diri doonaan markuu soo dhamaado fadhigoodan dastuuriga ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM