​Somalia: Madaxweynaha oo magacaabay Guddiga doorashooyinka

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xeer uu maanta soo saaray ku magacaabay liiska  guddiga doorashooyinka dadban ee dalka ka dhici doonta 2016, kuwaas oo isku shaandhany kooban lagu sameeyay, maadama shirkii madasha wadatashiga Qaran lagu hishiiyay in laga saaro siyaasiyiintii horay loogu daray.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu magacaabay 22 xubnood oo kala ah;

1.Cumar Maxamed Cabdulle

2. Mustaqiim Wayd

3. Maxamed Kaynaan

4. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)

5. Nafisa Geeddi Santuur

6. Maxamed Cali Diiriye

7. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye

8. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf

9. Saciido Maxamed Musciid

10. Aweys Abuukar Sokorow

11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac

12. Burhaan Cilmi Xirsi

13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib

14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon

15. Salaad Cali Ibraahim Catoos

16. Aadan Cabdinaasir Maxamed

17. Cabdullaahi Salaad Yarow

18. Yaasiin Cabdi Jaamac

19. Axmed Maxamed Saciid

20. Fardowsa Maxamed Ducaale

21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow

22. Raaxo Maxamed Janaqow

Guddigan ayaa howshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan, jadwalka doorashada iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sannadka 2016.

Xeerkan uu madaxweyne Xasan Sheekh soo saaray, ayaa ka naqdinaya dhammaan wixii xeer ah oo ka horeeyay kaasi oo ka hor imaanaya doorashada waddanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM