Somalia oo dalbatay in cunaqabateynta hubka laga qaado

Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK - Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa khudbada uu ka jeediyay Shirka 73aad ee Qaramada Midoobey uga hadlay horumarada dowladda ka sameysay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Cawad ayaa u sheegay madaxda ka qeybgalaysay kulanka guud ee QM in dowladda Soomaaliya xilligan u baahan tahay in laga qaado xayiraadda dhanka hubka ah ee lagu soo rogay January 1992.

Wuxuu sheegay Wasiirka in Al Shabaab hadda ahayd awoodeeda sidii hore, islamarkaana aysan jirin dhalinyaro badan oo Kooxda ku biiraysa, kadib markii fekerka xagjirka ah laga hor-yimid.

Khudbaddii Wasiir Cawad ee shalay uu ka jeediyay Shirka UN-ka ayaa sidoo kale ku sheegay in dowladda Federaalka ay wada-shaqeyn la sameysay hogaamiyaasha diinta, dhalinyarada, odoyaasha iyo haweenka si looga hortago fekerka Al Shabaab, ee qarxinta iyo dilka ku saleysan.

Cawad ayaa hoosta ka xariiqay in dad badan, oo ay ku jiraan hogaamiyayaal hore Al Shabaab uga soo goostay ay ka faa'idaysteen cafiska Madaxweyne Farmaajo, kadibna ay isku soo dhiibeen si nabad ah dowladda.

Waxa uu Wasiirka carabka ku adkeeyay baaqiisa ah in beesha caalamka, gaar ahaan Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ay cunaqabateynta ka qaadaan Soomaaliya, maadaama dalka uu dagaal kula jiro Al Shabaab, islamarkaana uu doonayo inuu Kooxda ka sifeeyo guud ahaan dalka.

Al Shabaab ayaa isku dayaysa inay afgembiso dowladda Federaalka islamarkaana ay xukunkeeda kusoo rogto guud ahaan dalka, taasoo ay kala kulmeyso is-caabin xooggan.

Beesha caalamka ayaa cabsi ka qabta in hadii xayiraadda laga qaado Soomaliya uu hubka ay soo iibsan doonto dowladda Federaalka uu gacanta u galo Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo sheegay in tallaabo militari ay suurtagal tahay inuu ka qaado Somaliland

Inkastoo uu carrabka ku adkeeyay in wadahadalka iyo xal siyaasadeedku ay yihiin ikhtiyaarka koowaad ee dowladda.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:55PM

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM