Somalia: Shir mooshinka looga hadli lahaa oo baaqday

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Waxaa maanta baaqday shir uu shaaciyay Gudoomiyaha Barlamanka Somalia oo looga hadli lahaa mooshinka dhawaan la laalay ee laga keenay Madaxweynaha Somalia.

Lataliyaha Gudoomiye Jawaari, Cumar Aadan Qaadi  oo la hadlay warbaahinta Afka Dowladda Somalia ku hadasha, ayaa tilmaamay in kulanka dib loo dhigay inta laga gaarayo 10 Bishan aan ku jirno.

Sababta loo baajiyay ayaa lagu sheegay maqnaanshaha Ra'isul wasaare Sharmake, waxaana uu tilmaamay ka qayb galkiisu inuu yahay muhiim.

Arrinta kale ee baajisay ayaa wararka Garowe Online helayo xusayaan inay tahay Xildhibaanada ka qayb gali lahaa oo sheegay inaysan tagi doonin.

Dhawaan qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoonka Barlamanka ayaa lagu sheegay in la laalay mooshinkii laga keenay Xasan Sheekh, arrinkaasna waxaa ka horyimi Xildhibaanada keenay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM