Somalia: Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Somalia oo tagay Cadaado

Image
Image
Image

CADAADO, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Somalia Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa maanta gaarey magaalada Cadaado.

Wasiir Juxa waxaa Garoonka Diyaaradaha degmadaasi kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey, Wasiirro, Xildhibaano, Odayaal iyo dadweyne badan.

Ujeedka Safarka Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Cadaado, ayaa ah inuu goobjoog ka noqdo Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug, oo lagu wado inay dhacdo maalinta Berri ah.

Waxaa ku qehliya socdaalkiisa Xildhibaano labada aqal katirsan iyo mas'uuliyiin kale kuwaasoo lagu casuumay inay ka qeybgalaan Doorashada Madaxweyne.

Ammaanka Cadaado ayaa aad loo adkeeyay kahor inta uusan Wafdiga Wasiirka tagin.

Doorashada Galmudug, oo 3 jeer dib loo dhigay, ayaa dhacaysaa, iyadoo aan wali xal laga gaarin khilaafka xooggan ee u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu Sunna, sidoo kalena uu fashilmay isku-day ay dowladda dhexe doonaysay inay ku dhex-dhexaadiso.

Saddex Murashax oo kala ah Axmed Ducaalle Geelle Ducaale, Axmed Shariif Cali Hilowle iyo Prof Cabdiqaadir Shirwac ayaa u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha labaad ee maamulka Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM