​Somalia: Xukuumadda oo tacsi ka dirtay geerida Goobaale

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii maanta lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Somaliyeed Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale.

Cumar Cabdirashiid, ayaa tacsi u direy qoysaskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

Wuxuu ku tilmaamay halyay Qaran oo dalka kaalin muhiim ah ugu jiray isagoo ILLAAHAY uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM