Somaliland oo u dabbaal degeysa sanad-guuradeedii 24aad

Image

May 18, 2015 (GO)- Dhammaan deegaanada Somaliland waxaa maanta looga dabbaal degayaa sanad-guuradii 24aad ee kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey Somaliland islamarkaana ay shaacisey inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhaceysa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, halkaasoo kumannaan qof isugu soo baxayaan goob fagaare ah mas'uuliyiinta dowladuna khudbado ka jeedin doonaan.

Goobta waxaa sidoo kale gaadda ka ciyaar ku mari doona cusubto ka tirsan ururrada ciidamada Somaliland iyo ururrad bulshada sida: ardeyda, shaqaalaha, ciyaaraha iyo xaafadaha Hargeysa.

Dhammaan jidadka waxaa lagu xardhey calanka Somaliland ee leh midabada casaanka, cagaarka iyo caddaanka. Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, dadka iyo gaadiidkana waa la baarayaa.

Sanad-guurada 24aad ee kasoo wareegtey  asaaska Somaliland ayaa kusoo aadaysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatey muddo kordhin Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo si weyn looga xusay Soomaaliya iyo Caalamkaba

Shaqaalaha hay’adaha dowladda ayaa la fasaxay maalintan.

  • Soomaliya

    01-05-2024

  • 07:35AM

Dowladda federaalka Soomaaliya oo dhambaal tacsi ah u dirtey Kenya

In ka badan 200,000 oo qof oo ku nool guud ahaan dalka Kenya ayaa waxaa saameeyay fatahaadda.

  • Soomaliya

    30-04-2024

  • 04:55AM