"Soomaalida way ugu dambeyn doonan dadka u dhimanaya Covid-19"

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Soomaalida ayaa noqon doona dadka ugu dambeeya ee u dhiman doona Coronavirus, sabab la xiriirta feejignaan iyo taxadar la'aanta, sidda uu saadaaliyey madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabad uu xalay kaga qeybgalay magaalada Kismaayo. Xafladda waxaa lagu daahfuray shirka dib-u-heshiisiinta Jubaland.

Muuqaalo laga soo qaadey madasha waxaa ka muuqdey xoogaa feejignaan ah, inkasta oo lagu taliyey in la joojiyo isu imaatinadda noocaan ah.

Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan laga diiwaan-geliyey 1,170 xaaladood ah oo ah Covid-19; Jubbaland waa meelaha ugu badan. Wasaaradda Caafimaadka federaalka waxay shalay xaqiijisay 24 kiisas cusub ah.

Balse, illaa iyo haatan lama soo warin bukaano xanuunka ugu dhintay degaanadda Jubbaland. Si lamid ah, lama soo sheegin qaar ka bogsaday.

"Naftii dil ah"

Madaxweyne Axmed Madoobe oo adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in la xoojiyo talaabooyinka ka hortagga ayaa tibaaxay "waxaan ku soconaa si naftii dil ah," isagoo soo jeediyey in dhab loo qaato cudurka.

"Waxaan iri Masaajidka hala xiro, Masaajidka way ku dhega adeegeen qola aan culimo ahayn oo waxay leeyihiin cibaadadaa noola diidayaa, boqolaal qof baa ku dhimaneysa oo halmar uu saameyn ku yeelanayaa, war Soomaalida waan ugu dambeyn doonaa dadka ku dhiman doona, saadaasha laga bixinayana way adag tahay," ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu raaciyey: "Hadaan kulamadan ka baxno, aniga lafteyda albaabka ayaan soo xiran doonaa oo waxaan oran doonaa qof isoo geli kara ma jiro; laa wasiir walaa Xildhibaan".

Dadweynaha ayuu ku booriyey in ay guriyahooda joogaan "sababtoo ah cudurkan cidna ma badbaadeyso. Cudurkani waa cudur dhib badan oo maanta kuwii awooda sheeganayey iyo kuwii dowladaha waaweynaa, kuwii quwada lahaa maanta qof walba aad arkeysaa".

Go'aano horleh oo lagu xakameynayo xanuunka kuna saabsan kala fogaanshiyaha dadka iyo dhaqankooda la xiriirta fayruska wax looga bedelo ayuu ka dhawaajiyey in uu maamulkiisu soo saarayo.

"Midda labaad, cudurkan ceeb ma ahan, waa xanuun dadka oo dhan kuwada dhacaya, yaan lagu talagalin. Cudurkan hadii qofka laga helo miyuu ceeboobay, ma meel buu ku dhacay, maya, ma ahan cudur ceeb ah," ayuu xusay, isagoo dadka ku boorinaya in aysan qarsan.

Ugu dambeyntii, isagoo adkeeyay in caabuqa uusan dawo lahayn, illaa iyo haatan, shacabka ayuu ku waaniyey in ay meesha ka saaraan daawo dhaqameedyadda kana fogaadaan shaqsiyaadka uu soo rito caabuqan faafa.

MUUQAALKA AXMED MADOOBE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM