Soomaaliya: 32 katirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Hiiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa fahfaahin ka bixiyay dagaal Al Shabaab kula galeen qeybo kamid ah gobolka Hiiraan.

Taliyaha Guutada 10aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta gobolka Hiiraan Axmed Maxamed Maxamuud [Tareedisho] ayaa sheegay in Ciidamada guul ka gaareen dagaa ka dhacay Tuulada Bulacle oo hoostaga degmada Maxaas. 

Wuxuu sheegay in dagaalka markii horey uu ka dhex qarxay Al Shabaab iyo Dadka deegaanka kadib markii ay diideen inay bixiyaan Zako qasab ah, iyadoo markii dambe ay ku biireen dagaalka Ciidamada xoogga dalka oo halkaasi loo diray gurmad ahaan.

Taliye Tareedisho ayaa xaqiijiyay in dagaalka ay uga dileen Al Shabaab 32 xubnood kuwaasi oo ay kamid ahaayeen hogaamiyaal sare, oo Kooxda u qaabilsanaa dhanka aruurinta Zakada ay xoogga uga qaado Dadka xoolo-dhaqatada ah ee ku nool gobolka Hiiraan.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin dagaalka ka dhacay duleedka degmada Maxaas, balse wararka ayaa sheegaya in Xaaladda deegaanka ay hadda tahay mid degan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM