Soomaaliya: Amiirka kooxda AS oo "ka badbaadey" duqeyn cirka ah

Image
Warar laga helay illo war-gal ah ayaa muujinaya in ay dhaawacmeen horjoogeyaal uu ku jiro Mahad Karataay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacdey degaan ku dhow magaalada Sablaale kaas oo qiyaastii wadada aadda Bu’aalle u jira 10 KM, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo wareedyo xog-ogaal ah.

Warbixinada laga helayo hay’adaha ammaanka ayaa tibaaxaya in howlgalkan dhanka cirka ah lala beegsadey horjoogeyaal iyo dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Tafaasiil horudhac ah oo laga helay illo wareedyo isugu jira mukhaabaraad, laamaha nabad-gelyada iyo dadka degaanka ayaa caddeynaya in ay jirto dhimasho iyo dhaawac ay kasoo dhex-muuqdeen magacyo laga dhex-yaqaano Al-Shabaab.

“Illaa haatan, waxaan hubinay dhimashadda in ka badan 20 xubnood Al-Shabaab ah iyo dhaawacyadda lambar intaas ka badan kuwaas oo lix xubnood kamid ah ay yihiin horjoogeyaal,” ayuu yiri hal illo wareed ku sugan Muqdisho.

Magacyadda lasoo wariyay in ay ku jiraan liiska dhaawaca waxaa kamid ah Mahad Karatay iyo Abuu Akram oo kamid ah ku xigeenada Amiirka guud ee Al-Shabaab. Sidoo kale, waxaa dhaawacmay Sheekh Xuseen Fiidow, madaxa siyaasadda.

Xogo qaar ayaa soo jeedinaya in Axmed Diiriye Abuu Cubeyda, oo ah amiirka guud ee Al-Shabaab, ay u badan tahay inuu bartilmaameedka ahaa “maadaama uu dhowr daqiiqo kahor ka tagay meesha la duqeeyay,” ayay sheegeen illaha.

Illaa haatan, ma jiro wax war ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo saartey duqeyntan. Xiriir uu warsidaha Garowe Online la sameeyay xafiiska warfaafinta ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaanan guuleysan.

Duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca Soomaaliya waxaa inta badan fuliya dowladaha Mareykanka iyo Turkiga. Midkoodna illaa haatan, ma uusan soo saarin wax war ah oo uu ku sheeganayo mas’uuliyadda howlgalkan xalay dhacay.

Sablaale ayaa kamid ah magaalooyinka gobolka Shabeellaha Hoose ee hoostaga maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Degmadan waxay ku dhow-dahay gobolka Jubada Dhexe oo guud ahaantiisa ay gacanta ku hayso Al-Shabaab.

Jilib oo ah xarunta gobolka Jubada Dhexe ayaa sidoo kale waxa ay tahay fariisinka ugu weyn ee ay ku dhuumaaleystaan hogaamiyeyaasha sarre iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab, waxaana ka yaalla keydka hubka ee ugu ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM