Soomaaliya: Cabsi soo wajahday Shacabka Beledweyne

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa soo wajahday cabsi xooggan oo ku aadan fatahaad uu kusoo sameeyay degmada Webiga Shabeelle.

Webiga Shabeelle oo mara magaalada ayaa aad u buux dhaafiyay, waxaana uu billaabey inuu qarka jabsado oo uu ku fataho deegaanno dhowr ah oo ku teedsan Beledweyne.

Xaafadaha kala duwan ee magaalada, gaar ahaan Xaawo Taawo oo ku gaabiga u saaran Webiga ayaa dadkii deganaa billaabay inay barakacaan, iyadoo dhanka kale maamulka degmada uu wado dedaallo carro-tuur oo looga gaashaamanayo fataahad dhacda.

Wararka aan ka helay Saraakiisha maamulka ayaa sheegaya in hakad la geliyay howlihii Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne, sababo la xiriira cabsida fatahaadda Webiga Shabeelle.

Roobabka Guga ayaa ka da'aya gobollada dalka, waxaana meelaha qaar lagu soo waramayaa inuu geestay khasaarooyin kala duwan, haba ugu darnaadeene dadka barakaciyaasha ah ee aan haysan guryo wanaagsan oo dhibicda roobka ka galaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM