Soomaaliya: Cawad Axmed Cashara oo ku geeriyooday Canada

Image

ALLAH ha u naxariistee waxaa dalka Canada ku geeriyooday Xildhibaan hore Cawad Axmed Cashara oo sidoo kale kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan waddanka Soomaaliya.

Geerida marxuumka waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah ehelkiisa oo sheegay inuu AHN Cashara uu u geeriyooday xanuun.

Cashara ayaa sidoo kale kamid ahaa dadkii wax ka aas-aasay Puntland isagoo soo noqday wasiirkii ugu horeeyay ee wasaaradda Warfaafinta.

Sidoo kale dowladdii uu hogaaminayay Cabdullaahi Yuusuf ayuu kasoo noqday Xildhibaan.

Marxuumka ayaa lagu xasuusan doonaan hadalladiisa cadaa iyo qaabkii uu ugu doodi jiray midnimada Soomaaliya.

Casharax ayaa goor sii horaysay isagoo Ilmaynaya wuxuu sheegay inay soo muuqatay rajo wanaagsan, dowlad shacabku leeyahay, maamuus leh iyo dhalinyaro isku duuban, wuxuuna ugu baaqay inay ilaashadaan kalsoonidooda iyo dowladda ay dhisteen.

ALLAH ha u naxariistee Geerida Cashara ayaa kusoo beegantay maalmo yar kadib geeri ku timid Maxamed Abshir Muuse Mataan oo taariikh weyn ku lahaa umadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM