Soomaaliya: Doorasho ka socotay Muqdisho oo la hakiyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudiga Doorashooyinka Madaxa-banaan ee Soomaaliya ayaa maanta hakiyay doorasho ka dhacaysay magaalada Muqdisho, oo lagu dooranayay Kursi ka banaan Gollah Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Hakinta ayaa timid kadib markii buuq iyo gacan ka hadal ka dhaceen goobta doorashada, taasi oo ka dhalatay murmeen dhexmaray Ergada, Kor-joogtada iyo Mas'uuliyiinta ka socotay Gudiga Doorashooyinka.

Xaliima Yareey oo  ah Gudoomiyaha Gudiga Doorashada oo Hoolka Doorashada ka hadashay ayaa ku dhawaaqday in dib loo dhigay doorashada, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan cida ka dambaysay fowdadii maanta dhacday.

Kursigan ka banaan Gollaha Shacabka waxaa ka geeriyooday sanadkii tagey Xildhibaan lagu magacaabo Saciid Xasan Geedi, oo kasoo jeeda Habar-Carfoon (Gadabuursi), oo kamid ah Beelaha dega gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya [Somaliland].

Buuqa ayaa ka dhashay Khudbad uu jeediynayay mid kamid ah musharaxiinta, kaasi oo dhaliilay sida loo soo xulay ergada doorashada, oo uu sheegay in la musuq-maasuqay.

Labo musharax oo uu kamid yahay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Faarax Saciid Xasan iyo Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan, ayaa ku tartamayay Kursiga Xildhibaanimada, balse la joojiyay maanta, islamarkaana dib loo dhigay doorashadiisa waqti aan la cayimin.

Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaa wali ka banaan Labo Kursi oo mid uu yahay kan maanta doorashdiisa la hakiyay, iyo mid kale oo uu isna ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin, oo deegaan doorashadiisu tahay Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM