Soomaaliya: Dowladda oo shaacisay khasaaraha Qaraxii Soobe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday khasaaraha weerarkii 14 October, 2017 ka dhacay Isgoyska Soobe oo lagu waxyeelleeyay dad shacab ah kuwaasoo ilaa hadda qaybtood la aqoonsan la’yahay maydkooda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in tirada dhimashada ay siyaasaday islamarkaana dhimashadu marayso 276 ruux halka dhaawacu marayo 300 oo qof.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana dowladdu sheegtay in 111 kamid ah eheladooda ay aaseen halka kuwa kale loo samayn doono duug Qaran, baroor diiq iyo duco.

Shir saxaafadeedka wasaaradda ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay dhammaan dadkii ka qayb qaatay gurmadkii loo sameeyay dhibanayaasha iyadoo si gaar ah loo xusay; Shacabka, Ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Halkan ka akhriso war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya:

Dowlada Federaalka ayaa xaqiijisey in 276 ay u geeriyoodeen qaraxii shalay 14ka October 2017 ka dhacay isgoyska Zope ee KM5 ee magaalada Muqdisho, dhaawacana ilaa 300 oo isbitaalada magaalada la kala geeyey.

Weli waxaa lagu guda jiraa gurmad qaran oo wixii soo kordha dib laga soo sheegi doono. Meydadkan ayaa 111 ka mid ah ay qoysaskooda aasteean halka inta kale ay Dawlada Federaalka iyo Dawladda Hoose ee Xamar ay si sharaf leh u aaseen, iyadoo loo wada sameyn doono baroordiiq heer Qaran ah iyo duco maalmaha soo socda.

Dowladda Federaalka ayaa u mahadcelisay shacabka, ciidanka, shaqsiyaadka is-xilqaamay, Maamulka Gobolka Benaadir iyo dhammaan dadkii gacanta ka geystay tan iyo shalay markii qaraxa dhaca ilaa iyo hadda oo wada gurmad aan kala go' laheyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada, Wasiirka Amniga Gudaha, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir iyo mas'uuliyiin kale ayaa dhiigooda ku yaboohay dhaawacii si loogu dabiibo.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa dalka Turkiga baajiyey isagoo kulamo muhiim ah la lahaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha dalka Turkiga.

Madaxda Qaranka ayaa ku guuleystay inay codsi gurmad ay weysdiisteen waddamada aan saaxiibanada nahay oo qaarkood ay ka soo jawaabeen, sida Dawladda Turkiga oo aqbashay soona direysa diyaarad qaas ah oo dhaawaca lagu qaado.

Sidoo kale dawladda Turkiga ayaa soo direysa takhaatiir iyo wafdi heer sare ah oo u imaanaya inay xaalada qiimeeyaan isla markaasna u gurmadaan dhaawacyada.

Sidoo kale wadamada deriska ah oo ay ka mid yihiin Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa iyagana diyaar u ah inay gurmad takhaatiir iyo daawooyin ah soo diraan.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa magacaabay Guddi heer wasiiro ah oo ay ku jiraan xubno ka socda bulshada rayidka iyo culumaa'udiinka.

Guddigan ayaa waxaa la shaqeeya dhalinyaro si mutadawacnimo ah u howlgalayey tan iyo shalay oo kormeer ku sameeyey isbitaalada iyo goobta qaraxa ka dhacay.

Sidoo kale ciidanka ayaa si xowli ah uga qeybqaadanayey gurmadka oo 400 askari ayaa tan iyo maanta ku howlanaa nadiifinta goobta qaraxa ka dhacay iyadoo si taxadar leh guryaha burburay looga baarayey dad nool iyo meydba.

Ugu yaraan labo qof oo nool ayaa laga soo dhex saaray guryahaas kuwa ka mid ah.

Waxaa socda gurmad la isu raadinayo dadka kala maqan ama la la'yahay iyo mid dhaqaale loogu ururinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay iyo dhismayaashii burburay.

Sidoo kale waxaa socda wacyigelin ballaaran oo bahda warbaahinta iyo culumada ay si xoog leh uga qeybqaadanayaan, loona baahanyahay in la sii joogteeyo.

--------------------------------------------------------------------------------

Shir saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmay iyadoo aan ilaa hadda la aqoon cidda mas'uulka ka ah weerarkii Shalay ka dhacay Muqdisho inkastoo farta lagu fiiqayo kooxda Al Shabaab.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caawa kormeer ku tagey goobihii ay ka dhaceen falkii argagixiso ee shalay. Wuxuna halkaasi kula hadlay Ciidamadda Qaranka ee ka qeyb qaatay gurmadkii loo sameeyey dadkii ay ku dhacday musiibadu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka sida dhiiran ee ay u caawiyeen shacabkooda, dawladduna aysan hilmaami doonin doorkooda qiimaha badan iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

Xasan Cali Khayre, ayaa sidoo kale booqday xarunta Gurmadka Qaran, halkaas oo ka socdaan howllo baaxad leh oo lagu caawinayo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Waa qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya, wuxuuna kusoo beegmay iyadoo dalka ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa DFS iyo madaxda maamullada.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Baarlamaanka Soomaaliya oo doodii ugu dambeysay ka yeeshay Dastuurka

Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa dib-u-eegista dastuurka marxalada 3-aad.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 11:23AM

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM