Soomaaliya: Gudoomiyihii Mahaday oo xilka laga qaaday

Image

MAHADAY, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Maamulka HiShabeelle, Maxamed Cali Caadle ayaa maanta xilka ka qaadey Gudoomiyihii degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gudoomiyaha oo lagu magacaabo, Cabdullaahi Maxamed Xuseen [Geeldoox], ayaa xilka looga qaadey wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha HirShabeelle, oo shalay la qoray, balse maanta la shaaciyay.

Sida ku xusan wareegtada, Gudoomiyaha ayaa xilka looga qaadey sababo dhowr ah, oo ay ugu horeeyaan xil-gudasho la'aan, isagoo mudo dheer degmada ka maqnaa iyo ku tagri-fal awoodeed, taasi oo shacabka kasoo gudbiyeen cabasho.

Geeldoox wali kama uusan hadlin sida uu u arko xilka qaadista lagu sameeyay.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM