Soomaaliya: Halkee lala damacsanaa Qaraxii Zoobe?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan Sirdoonka dowladda Federaal Soomaaliya, ayaa fahfaahin ka bixiyay qaraxii Zoobe.

Ninkan oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in Gaariga TM-ka lala damacsanaa in lagu qarxiyo Saldhigga cusub ee Turkiga uu dhawaan ka furay Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in Gaariga la helay Xogtiisa, kadibna ay ciidamada amniga ku baacsadeen gudaha magaalada, islamarkaana uu ku qarxay Isgoyska Zoobe, kadib markii wadada ay ku xirantey isagoo gawaari kalena ku sii dhacey.

Macluumaad uu helay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegaya in qorshaha labaad ee weerarka uu ahaa Saldhigga AMISOM ee Xalane, haddii midka Saldhiga Turkiga uu fashilmo.

Madaxii hore ee Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya (NISA) Axmed Maclin Fiqi, ayaa sheegay in Gaariga lagu soo diyaariyay duleedka Afgooye.

Afgooye waxaa gacanta ku haysa dowladda, balse deegaanada bariga iyo galbeedka uga beegan waxaa ku sugan xoogaga Al Shabaab.

Gaarigan ku qarxay Zoobe waxuu Warsidaha Garowe Online ogaadey inay damiin kusoo gelisay magaalada mid kamid ah Shirkadaha Isgaarsiinta ku yaalla Muqdisho.

Gaadiidka Xamuulka waxaa lagu celiyaa duleedka Muqdisho oo ay ku dejiyaan rarka ay kasoo qaadaan gobollada dalka.

Khubarada arrimaha amniga waxay ku tilmaameen in qaraxaasi uu ahaa mid walxaha laga soo sameeyay culeykoodu gaarayey 350Kg.

Dhinaca kale su’aasha dad badan is-weydiinayaan waa sababta ururka Al Shabaab uga aamusey sheegashadiisa iyadoo qaar ka tirsan xeeldheerayaasha amniga qabaan in bartilmaameedku uusan aheyn halka uu ku qarxey gaarigaan.

Qaraxyada ururka Al Shabaab ka sameeyo magalaada Muqdisho xataa hadii ay la beegsadaan bartilmaameedka ay raadinayaan waxaa ku dhiman jirey dad shacab ah balse waa sheegan jireen.

Sidoo kale waxaa jirta aragti kale oo ay qabaan dadka arimaha amniga la socda kuwasoo leh bartilmaameedka qaraxaan waxaa uu ahaa isgoyska Zoope waxaana jira warar sheegaya in ururka Al Shabaab badaley siyaasadiisa ku aadan qaraxyada.

Falalka qaraxyada noocaan ah ee lala beegsado goobaha mashquulka ah ee shacabku isugu yimaado, kooxaha aragagixisada ah ee xiriirka la leh Al Qaacida ayaa ka sameeya wadamada muslimka sida Ciraaq, Siiriya, Pakistan kuwasoo ujeedkoodu yahay in dadka lagu abuuro baqdin galin.

Qaraxii ugu weynaa oo Muqdisho ka dhaca wuxuu gaarayey culeeskiisa 250Kg.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM