Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo kawada hadlay deyn cafinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la yeeshay Madax ka socotay Bangiga Adduunka oo dalka u yimid dhammeystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo haatan gabogabo maraya.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Raii'sul Wasaare Khayre, Wasiirka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi.

Dhanka Bangiga Adduunka waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne Kuxigeenka Arrimaha Afrika, Hafez Ghanem iyo Agaasime-Goboleedka Afrika ee Hayadda Caalamiga ah ee Maal-gelinta Dhaqaalaha, Jumake Jagun-Doknmu.

Agaasimaha Howl-gelinta Bangiga Adduunka ee Kooxda Afrika iyo Anne Kabagambe, Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliyam Puteri Watson ayaa sidoo kale kasoo muuqday shirka.

Madaxtooyadda Soomaaliya ma aysan fahfaahin ujeedka dhabta ah ee socdaalka wafdigan balse wuxuu kusoo aadayaa iyadda oo dhowaan Bangiga Aduunka shaaciyey in uu taageerayo qorshaha deynta cafinta.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa gaareysa shan bilyan oo Doollar-ka Mareykanka, waxaana ku leh dowlado kala duwan kuwaas oo qaarkood ay ku dhawaaqeen in ay ka cafiyeen.

Norway ayaa bishii hore ku dhawaaqay in ay Soomaaliya deynta ka bixineyso, inkasta oo lacagta ay uga gudeyso ay tahay mid kale oo deyn ah, sidda ku cad warbixinta.

Cafinta deymaha ayaa lagu xiray shuruudo dhowr ah kuwaas oo qaarkood ay ka gudubtay Soomaaliya, wallow ay baaqi yihiin kuwa kale haddana xukuumadda ma aysan soo bandhigin waxay yihiin shuruudahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM