Soomaaliya: Juxa oo ka warbixiyay Socdaalkiisa Gedo

Image
Image
Image
Image

DOOLOW, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa ka warbixiyay safarkiisa magaalooyinki ku yaalla gobolka Gedo.

Juxa oo hogaaminayo wafdi ka socda labada Golle ee dowladda iyo Agaasiimaha Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa ka dagay shalay Doolow oo ay uga soo gudbeen Beled-Xaawo. Halkan ka akhri.

Sidoo kale wafdi ka ka socda Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Maxamuud Sayid Aadan ayaa qeyb ka ah safarka shaqo ee Madaxda ay ku marayaan Balad-Xaawo iyo Doolow.

Wasiirka ayaa ujeedka safarkiisa ku micneeyay u kuur-galista xaaladda magaalooyinka ku yaalla xuduuda Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya, iyagoo la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka.

"Anaga waxaan u tagnay Balad-Xaawo iyo Doolow inaan ogaano waxa meesha ka jira, oo dadkana la kulano, sidoo kalena indhaheena kusoo aragno xaaladda dhabta ah ee meesha taalla," ayuu yiri Juxa.

Juxa ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xal buuxa looga gaari lahaa xiisad soo kala dhex gashay dadka ku nool magaalooyinka Mandheera iyo Balad Xaawo, ee ku kala yaalla labada dhinac ee xuduuda.

Safarka wafdigan ka socda dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Balad-xaawo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dhul ballaarsi Kenya ka wado gudaha magaaladaasi.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay cabir ka sameynayaan Balad-xaawo, halkaas oo la marinayo darbiga ay dowladda Kenya ka dhisayso xuduuda, waxaana taasi ay sababtay dibadbaxyo rabshado wata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM