Soomaaliya: Kiisaska Covid-19 oo dhaafay 100, bukaan cusub oo dhintay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tirada kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa kor-u-dhaafey 100 [boqol], sidda ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka oo war-saxaafadeed soo saartay caawa oo Jimce ah.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in kiisaska soo kordhay ay gaarayaan 36 qof, kuwaas oo kamid ah 47 qof oo la baarey 24-kii saac ee u dambeysay.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah oo si maalinle ah uga soo baxay wasaarada, tani waxay tirada guud ka dhigeysaa 116 qof. Bukaanada cusub 27 kamid ah waa Lab, halka 9 kale ay yihiin Dhadig.

Sidoo kale, waxaa geeriyooday bukaan cusub oo 60-sano jir ahaa. Tani waxay ka dhigan tahay in tiradda guud ay haatan noqotay lix ruux, kuwaas oo dhamaantooda ku sugnaa Muqdisho.

Hoos ka akhriso warbixinta

24kii saac ee u dambaysay waxaa la baaray 47 qof. Waxaa laga helay cudurka COVID-19 36 qof, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee la xaqiiyey 116 qof.

Bukaanada cudurka maanta laga helay, 27 kamid ah waa LAB, 9 ka kalena waa DHADIG. 30 kamid ah waxay da'doodu u dhaxaysaa 20 ilaa 39 sano (83%). 5 kamid ahna waxay da'doodu u dhaxysaa 40 ilaa 59 sano (14%).

1 qofna wuxuu ka weynyahay 60 sano.

Waxaa cudurka COVID-19 u geeriyooday 1 qof oo da'diisu tahay 60 sano kuna geeriyooday Muqdisho. Tirada guud ee dhimashada ayaa ah 6.

Si aad naftaada, midda qoyskaaga iyo tan bulshada-ba u badbaadiso, ku dadaala fara-dhaqasho joogto ah idinkoo isticmaalayo biyo iyo saabuun muddo ugu yaraan 20 il-biriqsi ah.

Aan ku dadaalno kala fogaashaha iskana yarayno isu-socodka aan muhiimka ahayn.


Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada caalamka ee baqdinta ugu badan laga qabo in uu si adag u aafeeyo caabuqa, si toos looga hortago, xukuumadda waxay soo rogtay bandow habeenkii ah kaasoo fulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM