Maamulada Soomaaliya oo kulan rasmi ah uga fumey Kismaayo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya: Kulankii Madaxda maamulada Soomaaliya oo si rasmiya uga furmey magalaada Kismaayo galabnimadii Khamiista 8 Oct, 2017 ayaa waxaa hadalo kooban ka jeediyey 5 Madaxweyne kuwasoo ka hadlay qodobada laga wada hadli doono.

Wararka aan ka helney kulankaas oo ay goob joog ahaayeen Xildhibaano ka socda labada aqal ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga hadlay baahida loo qabo wada shaqeynta maamulada iyo dowlada Federaalka Soomaaliya si wadanku uga baxo dhibaatooyinka ay keentey Dowlada la’aanta.

Madaxweyne Xaaf oo kulankaas ka hadlay ayaa wararku sheegayaan in soo dhoweyn Sacab ah ka heley wufuudii goobta shirka joogey isagoo halkaas kaga hadlay faragalinta maamulkiisa ay ku sameysay Dowlada Federaalka.

Madaxweynayaasha maamulada ayaa isku aragti ka ahaa in dowlada Federaalka joojiso faragalinta islamarkaana wada-shaqeyn yeshaan hay’adha dowlada heer Federaal iyo maamul.

Kulankaan ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay waxaa kasoo baxaya qodobo maamulada ka dalban doonaan Dowlada Federaalka iyagoo dhinaca kale sameyn doona Gole u dhexeeya.

Warsaxafadeed Xafiiska Madaxweynaha Jubaland kasoo baxdey oo warsidaha Garowe Online soo gaarey ayaa u qoraa sidatan:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa si rasmi ah u furay shirka Nabada iyo wadatashiga ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Munaasabada furitaanka shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Dowlad Goboleedyada dalka xubno kasocday labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo Masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo furay shirka ayaa sheegay in uu rajaynayo in wax wanaagsan oo Soomaaliya Anfaca shirkan ay kasoo baxaan isagoo u rajeeyay umada Midnimo iyo wadajir.

Madaxweynahu wuxuu ka sheekeyay marxaladii kala duwanaa ee dalkan uu soo maray iyo waxyabahii sababay in la qaato nidaamka Federaalka ah isagoo xusay in mar walba oo talaabo hore la qaado Dowladnimada loo sii dhawaanayo.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay in ay nidaam Dowladnimo ahaan iskula falgalaan oo la tashiyada iyo iska warqabka la badiyo si ay u yaraadaan khilaafyada sababi kara in wadankeenu uu dib u dhac kale la kulmo.

“Soomaaliya waxay maraysaa meel u baahan taxadar iyo ka fiirsasho badan oo runtii ay tahay Dowlada Federaalka ah in ay wax badan xeeriso ma joogno xiligii aan fariimo iyo warqado isugu jawaabi lahayn waa in aan dalka u turaa” ayuu yiri Madaxweynahu.

Madaxweynaha Jubbaland wuxuu sheegay in ay shirkan u qabanayaan sidii maamuladu ay isku canaanan lahayeen wixii mugdi ah oo jirana loo dhamayn lahaa kadibna talo loo dhanyahay Dowlada dhexe loola tagi lahaaa.

Madaxweynahu wuxuu Dowlada Federaalka ah ku booriyay in ay doorkeeda qaadato oo ay wax badan latashiyo ka samayso intii go’aan la isaga daba iman doono ama buuq dhaliya ay kaligeed gaari lahayd.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in shirkan uu dan u yahay cid walba oo doonaysa in Soomaalidu ay noqdaan dad is xalin kara oo arimahooda gudaha ah dhamaysan kara iyadoo aan loo hoostagin shisheeye iyo wadamo dibada ah.

Kulamada noocan ah ayuu Madaxweynahu sheegay in sharciyan ay xaq u leeyahiin madaxda Dowlad Goboleedyadu isla markana ay kaga arinsan karaan wixii markaas taagan Sida Siyaasada dhaqaalaha amaanka ama waxbarashada.

Isagoo ka hadlayay sida ay muhiimka u tahay in Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay muujiyaan masuuliyad iyo is tixgalin wuxuu ugu baaqay qof walba oo dalkan masuuliyad ka haya in uu rajo galiyo Bulshada oo aan wax niyadooda hoos u dhigaya la samayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 04:40AM

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM