Soomaaliya ma saameyn doonaa go'aanka Trump ee liddiga ku ah WHO?

Image

WASHINGTON, US – Madaxweyne Donald Trump ayaa shaaca ka dhigay in maamulkiisa ka arimiya Mareykanka uu dhaqaalihii uu siin jiray ka jaray hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO kadib dagaal afka ah oo dhexmaray.

Trump ayaa tilmaamay in Washington ay tahay deeq-bixiyaha ugu balaaran, wuxuuna sabab uga dhigay in WHO ay Shiinaha "u eexatay" marka ay timaado dagaalka lagula jiro fayruska Corona.

Qoraal kasoo baxay WHO ayaa lagu dhaleeceeyay go'aanka Trump. Sidoo kale, qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa cambaareeyay talaabadaas, iyagoo ku baaqay in aan la siyaasadeyn cudurka.

China oo ka jawaabtay eedeynta culus ee kaga timid hogaamiyaha Mareykanka ayaa ku sifeeyay "mid xaqiiqada ka fog" waxayna soo jeedisay in aan la siyaasadeyn xakameynta caabuqa.

Bayaanka WHO ayaa lagu qiray in go'aanka Trump uu saameyn doono howlgaladooda ka hortagga caabuqa kaas oo ka socda badi wadamada dunida gaar ahaan kuwa soo koraya ee kaalmada u baahan.

Saameynta Soomaaliya

Falanqeeyeyaasha ayaa aaminsan in dhinacyadda laga dareemi doono saameynta ay kamid tahay qorsheyaasha lagu hirgelinayo daawada xanuunka iyo sheybaarka lagu baaro oo hadda baahi loo qabo.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay qorsheyaashaas ka socdaan, balse intee ayay la eg-tahay saameynta ay ku yeelan karto go'aanka Trump?

Khaliif Bile Maxamuud, oo ka tirsanaa WHO kana soo shaqeeyay wadamo uu kamid yahay Pakistan, ayaa hoosta ka xariiqay in ay jireyso saameynta, balse wuxuu su'aal geliyey qaabka ay noqoneyso.

"Hadda ma ogi hadii ay Soomaaliya si toos ah u saameyn doonto, laakiin waxaan ogahay in WHO ay ku howlan tahay in sheybaarka lagu baaro xanuunka ay ka hirgeliso dhowr goobood oo kala duwan, in ay gacan ka siiso tababarka shaqaalaha daryeela bukaanada, karantiilka la sameynayo, howlo badan oo WHO ay waddo ayaa jirta, laakiin dhaqaalaha la jaray imisa saameyn ku yeelan doontaa, waa mid aan ogaan doono waqtigeeda," ayuu u sheegay BBC.

Soomaaliya ayaa laga xaqiijiyey 80 kiis oo Covid-19 ah, shan dhimasho ah iyo laba bukaan oo kasoo bogsaday, sidda ku xusan warbixinta maalinlaha ee Waaxda Caafimaadka kasoo baxay 15-ka bishaan April ee sanadkan 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xarigga Ugbaad Aragsan, aargoosi Siyaasadeed mise ka hortag dhaqan xumo?

Booliska Somaliland ayaa talaadadii Ugbaad ka soo qabtay mehrad ganacsi oo ay Hargeysa ku lahayd..

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 06:23AM

Xasan Sheekh oo gudoomiyay Shirka Amniga Gobolka Benaadir xilli uu walaac jiro

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhiga, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida.

  • Soomaliya

    17-04-2024

  • 12:02PM