Soomaaliya: Madaxda Xisbiga Wadajir oo lasii daayay [Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya [NISA], ayaa maanta gelinkii dambe xabsiga kasii daysay Mas'uuliyiinta Xisbiga mucaaradka ku ah dowladda ee Wadajir.

Kamaal Gutaale, oo ah gudoomiyaha Xisbiga iyo Sayid Cali, oo Xoghaye u ah ayaa xuriyadooda dib u helay saacado kadib markii laga qabtey hotel-ka Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho maanta xilligii duhurka.

Xisbiga ayaa soo saarey War Saxaafadeed uu ku cambaareynayo xariga hogaankiisa, iyadoo sidoo kale Kamaal Guutaale uu qabtey Shir jaraa'id oo uu uga hadlay qaabka loo xiray.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah aas-aasaha Xisbiga ayaa sidoo kale cambaareeyay falkii lagu xiray labada mas'uul, isagoo dowladda ku eedeeyay in ay u dhaq-mayso qaab jabhadeed. Halkan ka akhri.

Hoos ka akhri War Saxaafadeedka:

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM