Madaxweynaha Puntland oo casuumaad ka diiday Xamse Barre

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale wuxuu wafdigiisa intiisa kale ka baajiyey ka qayb galka cashadaan. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaadiri waayay xaflad casho Sharaf ah oo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Bare u sameeyay xildhibaanadda Aqalka Koongareeska Maraykanka Ilhaan Cumar.

Ra’isulwasaaraha ayaa casuumaad u fidiyay Deni, balse wuu iska diiday in uu tago xafladda maadaama dagaal siyaasadeed uu kala dhaxeeyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Xamse laf ahaantiisa.

Deni oo ay caro badan ka muuqato ayaa si weyn uga weji dadbayay madaxweynaha Jubbaland shirkii madasha, isaga oo xitaa ka shaqeeyay in aanan kuraastooda la isku xijin, lana xijiyo isaga dhanka madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen kaas oo uu dhowaan ka diidey inuu ugu tago Baydhabo. 

Madaxweyne Deni oo muddo xileedkiisa ay bilooyin ka harsan yihiin ayaanan doonayn in uu madal kala soo muuqdo Madoobe iyo Xamse oo uu u arko in ay ka hor-istagaeen guulo siyaasadeed.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland oo degan hotel ku dhex-yaalla garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa wafdiga intiisa kale ka baajiyey ka qayb galka cashadaan. 

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa si weyn u kala booday kadib doorashadii madaxtinimada sanadkan, wuxuuna madaxweynaha Puntland uu dareemayaa in Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu u jalaafeeyay kana xigsaday dhanka Xasan Sheekh

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo Hawlgal Ka Fuliyay Jubaland

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hoosta ka xariiqday in hawlgalladu ay weli socdaan si loo baadi-goobo firxadka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    15-04-2026

  • 12:31PM