Soomaaliya: Mukhtaar Roobow oo lagu hubeynayo ururka Al Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ku xigeenkii ururka Al Shabaab islamarkaana ahaa afhayeenka ururkaas Mukhtaar Roobow ayaa wararka warsidaha GO ka helayo ilo lagu kalsoon yahay sheegayaan in la qorsheynayo inuu noqdo hogaamiye Jabhadeed kula dagaalama kooxaha Nabad Diidka ah degaanada hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka aan heleyno waxay xusayaan in dal kamid ah kuwa Ciidamada ka joogaan Soomaaliya uu qorsheynayo inuu ku hubeeyo Mukhtaar Roobow, si uu ula dagaalamo Al Shabaab-ka gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Roobow oo magaciisa xarakiga la oran jirey Abu Mansuur ayaa Muqdisho ku sugan tan iyo markii uu isku soo dhiibay dowladda bartamihii sanadkan, isagoo halkaas ka wada dhaqdhaqaayo bulshada kaga raadinaya kalsooni.

Afhayeenkii hore ee ururka Al Shabaab ayaa maanta 16-ka October, 2017 kamid ahaa dadkii ugu deeqey dhiigooda dhawaacyadii qaraxii ka dhacey sabtidii lasoo dhaafay Isgoyska Zoobe, ee magalaada Muqdisho.

”Waxaan dhihi laha waxaan oo kale waa wuxuushnimo. Ilaahay diinkiisa, Kitaabka, sunada iyo caqli midna ma waafaqsana, dadka noocaasi ah waxaan lee yahay toobad baa furan, in ay ka toobad keenaan oo waxaan iska dhaafaan ayaa u roon. Hadii sidan Jano lagu raadinayo jidkeedii kan ma ahan," ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Roobow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Waxaan oo kale raga sameynayo waxaan dhihi lahaa, anigu mudo aad u dheer ka hor oo laga joogo tobaneeyo baan iri waxaan oo kale nimanyahow ka daaya dadka, waa nagula dirireen oo wey joojin waayeen."

“Runtii hada kahor waxaan oo kale Shaamow bay ka dhaceen, Hargaha iyo saamaha bay ka dhaceen, Masjid Bakaaraha ku yaala bay ka dhaceen, meelo kale bay ka dhaceen, maraaxil bay ahayd marna marka waxaan oo kale dhacaan anaga maa'ihin baa la dhihi jiray oo aan maqalnay," Roobow ayaa intaasi raaciyay warkiisa.

Xogogaal u warhaya arimaha siyaasadda Koonfur Galbeed ayaa GO u sheegey in Roobow qorshihiisa siyasadeed yahay mid fog balse aan shaqo ku laheyn loolanka madaxtinimo oo hadda ka socda maamulkaas.

Siyaasiyiin uu ugu horeeyo Wasiirkii iska casiley Wasaarada Gashaandhiga asbuucii la soo dhaafey iyo Wasiirkii hore ee maaliyada Farkeeti ayaa waqtigan qayb ka ah ololaha siyaasadeed ee lagu badalayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan.

Dhinaca kale, hubeynta Mukhtaar Roobow ayaa imaaneysa xilli ciidmada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya guulo ka keeni waayeen dagaalka lagula jiro ururka Al Shabaab mudo ku dhaw 10 sano.

Dagaal-galinta shaqsiyaadka horey uga tirsnaan jirey Kooxaha Argagaxisada, ayaa waxay horey uga jiri jirtey wadamada, Afghanistan, Ciraaq iyo Suuriya. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM