DF Soomaaliya oo cambaareysay weeraro ay Xuutiyiinta geysteen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weeraro gantaalo ah oo Xuutiyiinta Yemen ay ku ekeeyeen bartilmameedyo ku yaala Sacuudiga oo ay kamid tahay magaala madaxda Riyadh.

Dhacdooyinkaas oo lasoo wariyey Talaadadii asbuucaan 23-kii June sanadkan 2020 ayaanan geysan waxyeelo nafeed, sidda ay sheegeen mas'uuliyiin.

Wasaaradda Arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in ay ka xun tahay falkaas.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa maleeshiyaatka Xuutiyiinta iyo kuwa taageera oo beegsaday goobo dad rayid ah ay degan yihiin oo ku yaalla Magaalooyinka Riyadh, Najran iyo Jazan ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay la dhaceen tiro gantaallada baalistik iyo diyaaradaha iskood isku-kaxeeya oo lagu rakibay qaraxyo maalinnimadii Talaadada, 23 June, waxaase ka hortagay oo burburiyay Ciidamada Isbaheysiga ee taageera Dowladda Sharciga ah ee Yemen kahor inta aysan gaarin goobihii bartilmaameedka u ahaa, taasi oo meesha ka saartay in dad rayid ah ay wax ku noqdaan," ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay dedaalada Qaramada Midoobay hogaamineyso ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada Yemen.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay caddaynaysaa in ay ku garab taagan tahay Dowladda iyo Dadka Boqotooyada aanu walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya difaaca amnigooda gudaha iyo dagaalkooda ka dhanka ah aragagaxisada nooc kasta oo ay yihiin, waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda taageeraya dadaallada Qaramada Midoobey ee lagu doonayo xal horseeda nabadgelyo waara oo soo afjara dhibaatada ka taaggan Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen si ay ku jirto dhowridda ammaanka iyo danaha wadamada deriska la ah," ayaa la raaciyey bayaanka wasaaradda.

Falaagada Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto ayay ugu baaqdey in ay joojiso "weeraradda bahalnimada ee lagu beegsanayo shacabka".

"Soomaaliya waxa ay ku baaqaysaa in si degdeg ah loo joojiyo weeraradaasi bahalnimada leh ee lagu beegsado dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee biri magaydada ah, iyadoo falkaasi loo tiriyo xadgudub cad oo loola bareeray dhammaan qawaaniinta iyo cahdiyada caalamiga ah, carqaladeynayana dadaallada caalamiga ah ee lagu baadi-goobayo nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, caqabad weynna ku ah nabadgelyada iyo amniga gobolka," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka wasaaradda.

Soomaaliya ayaa kamida dalalka ay u qaxeen rayidka Yemen markii ay waddankooda ka qarxay dagaalka sokeeye ee tobanaanka sano taagan, waxaana ay la kulmeen soo dhaweyn aysan xukuumadda ku lug lahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM