Soomaaliya oo codsatay in laga qaado Xayiraadda Hubka [DAAWO]

Soomaliya
By Wariyaha Muqdisho , GAROWE ONLINE

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay ka socday Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya.

Wafdi QM waxaa hoogaaminayay Safiirka Kazakhstan u fadhiya Qaramada Midoobay Kairat Umarov.

Intii uu socday kulanka, Khayre ayaa wafdiga ugu warbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo qorshooyinka dowladda, gaar ahaan dhinaca amaanka dalka oo fashil iyo habac-sanaan xooggan ay ka jiraan xilligan.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa wafdiga u gudbiyay codsi ay xukuumaddiisa ku codsanayso in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, si ay usoo iibsato hub ay kula dagaalanto Kooxda Al-Shabaab.

Gollaha Amaanka ee QM ayaa Soomaaliya kusoo rogay cunaqabateynta Hubka January 1992, xilligaasi oo dalka uu ka socday dagaal sokeeye oo sababay dhimashada kumanaan qof, burbur iyo barakac.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan hub kala baxay saldhigga Tababarka Jeneraal Gordan ee Muqdisho kaas oo lagu iibiyay suuqyada magaalada.

Al Shabaab oo ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda la sheegay inay hubka ay ku dagaal gasho ka iibsato gudaha dalka, qaarka ka qabsato Ciidamada dowladda markii ay weerarto saldhigyadooda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE