Soomaaliya oo Dacwad ka dhan ah Imaaraadka u gudbisay Gollaha Amaanka

Image

NEW YORK, USA - Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dacwad ka dhan ah Imaaraadka Carabta u gudbisay Gollaha Amaanka ee Qaramadda Midoobey, taasi oo ku saabsan saldhigga Militeri ee magaalada Berbera.

Abuukar Cabdi Cismaan, Safiirka Soomaaliye ee QM ayaa u sheegay Gollaha Amaanka in Tallaabada Imaaraadka ee uu Saldhigga Militeriga uga dhisanayo Berbera ay halis ku tahay Madax-banaanida Soomaaliya iyo Shuruucda Caalamiga ah.

Safiirka ayaa ugu baaqay Gollaha Amaanka inay soo farageliyaan arinta dhisamaha Saldhigga Militeri ee Berbera, islamarkaana tallaabo laga qaado dowladda Imaaraadka oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

"Arrimaha Imaaraadka uu kawado Soomaaliya waa ku-xadgudub qaawan, oo lagu sameynayo shuruucda caalamiga ah iyo midka QM, waxaana uu dhaawacayaa cunaqabeyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya," ayuu yiri Safiirka.

Waa dacwadii labaad oo sanadkan gudihiisa Soomaaliya ka gudbiso Imaaraadka, iyadii midii tan ka horeysay u u gubisay bishan Ururka Jaamacadda Carabta, taasi oo ku saabsanayd Heshiiska Dekedda Berbera ee Somaliland iyo DP World.

Somaliland ayaa bishii Maarso ee 2017 la gashay Imaaraadka Heshiiska saldhigga Militeri ee Berbera, kaasi oo Warbixintii ugu dambeysay ee UN Monitering Group lagu sheegay inuu dhismihiisa la billaabay.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mudooyinkii dambe sii xumaanayay wixii ka dambeeyay markii DP World Heshiiska Saddex geesoodka ah ee Dekedda Berbera la gashay Somaliland iyo Itoobiya horaantii bishan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM