Soomaaliya oo dalab u gudbisay dowladaha Yurub iyo Mareykanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo xalay ka hadlay dhibaatada uu COVID-19 ku hayo dalka iyo sida looga badbaadi karo ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay qaataan talooyinka caafimaad ee dhaqaatiirta iyo wasaaradda caafimaadka.

"Masiibada maanta waxaa ka nabad galaya kuwa qaata waanada iyo wax sheega, kuwa dhagaysta talooyinka bahda Caafimaadka. Kuwaas ayaa ah kuwa inay haligmaan ka nabad galay. Badqabka bulshada iyo Badbaadintooduba maanta waxay ku jirtaa kala maqnaanta mudada cudurku jiro. Inaad eheladaada iyo asxaabtaada ka maqnaato oo booqan waydo xiligan adag waxay daliil cad u tahay damiirka qofka ee aan dadkiisa dhib la jeclayn”, ayuu yiri Khayre.

Khayre ayaa caddeeyay in Guddiga Qaran ee ka Hortagga Covid-19 ee isugu jira xukuumadda, culimada, dhaqaatiirta, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka kawada shaqayaan sidii loogu gurman lahaa dadka Soomaaliyeed caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

Isagoo sii hadlaya ayuu caddeeyay in la kordhinayo xarumaha lagu daaweeyo dadka uu soo rito COVID-19, lana badin doono baaritaanka si qof waliba uu u helo fursad uu isugu baaro, dowladduna ku howlantahay soo iibinta qalab caafimaad oo qayb ka qaata xakameynta COVID-19.

Sidda uu ka dhawaajiyey Khayre, Baanka Adduunka ayaa dowladda federaalka ah ka oggolaaday inuu usoo iibiyo qalabka caafimaad ee aadka loogu baahannahy si loola dagaalo cudurkan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxuu sheegay in dowladdu ka codsatay deeq bixiyayaasha in caawinaadaha ay bixin jireen loo wareejiyo dhinaca caafimaadka iyo taakulaynta danyarta uu cudurkani saameeyay nolol maalmeedkooda, sidoo kale dowladaha Yurub iyo Maraykankaba ay ka codsatay sidii Bangiyada iyo Xawilaadaha Soomaaliyeed shaqadooda loogu fududayn lahaa.

Waxaa kale oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in Xukuumadda, Ganacsatada, dhaqaatiirta, bulshada rayidka iyo culimaduba ay wadaan dadaal xoggan oo loogu gurmanaayo dadka Soomaaliyeed ee caawinta u baahan, Ganacsatada Soomaaliyeed iyo wasaaradda maaliyaddu ay isla garteen in la yareeyo saamaynta dhaqaalaha ee k a dhasha COVID-19, lana dhimahy canshuurta raashinka daruuriga ah.

Ganacsatada ayuu mar kale Ra’iisul Wasaaruhu faray inay shacabka u turaan xaaladdan adag ee lagu jiro, Culimaduna ay shacabka kula taliyaan in qof waliba uu gurigiisa ku cibaadaysto maadaama waajibaadka diiniga ah ay ugu horeeyso badbaadinta nafta. Dhaqaatiirta ayuu xasuusiyay in la joogo xilligii loogu baahida badnaa aqoontooda.

Ugu dambeyntii, wasiirka koowaad ee xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in codsiga ay u direen dowladaha Yurub iyo Mareykanka ay ka sugayaan jawaab, isagoo kalsooni weyn ka muujiyey in jawaabta ay sidda ugu dhow uguna macquulsan ku heli doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM