Soomaaliya oo diiday casuumaad ku aadan kiiska badda kana timid AU-da

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku gacan-sayrtay casuumaad uga timid ururka Midowga Afrika oo ku saabsan kiiska Badda, sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Marti-qaadkaasi oo xukuumadda si toos ah loogu soo gudbiyey balse ay diiday ayaa wuxuu ku saab-sanaa kasoo qeybgalka kulan is-xog-wareysi ah oo Guddiga ururka AU-da soo agaasimay.

Taasi bedelkeeda, xukuumadda Muqdisho ayaa u sheegtay Midowga Afrika in ay kalsooni balaaran ka qabto in Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay gal-dacwadeedkan ku ridi doono "xukun cadaalad ah".

ICJ, oo fadhigeedu yahay magaaladda Hague, Netherlands, ayaa dhageysiga kiiskan dib ugu muddeysay 9-ka illaa iyo 13-ka bisha September ee sanadka. Fadhiga wuxuu ka qabsoomayaa Guriga Nabadda.

Soomaaliya, oo wareega koowaad ee dooda labinta ku heshay, ayaa doodeeda gudbin doonta 9-ka September, halka Kenya ay laga dhageysan doono jawaabta 11-ka bishaasi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa warqad ku taariikheysan 21-ka August 2019 ku sheegtay "in aysan habooneyn" in ay aqbasho casuumaada AU-da maadaama kiiska uu horyaalo xeer-beegtada dunida.

Iyadda oo sharaxeysay sababta ay Soomaaliya kiiskan ula aaday Maxkamadda, wasaaradda ayaa xustay in aysan Kenya wax heshiis ah kala gaari karin qaddiyadan. Dowladda federaalka waxay dacwadda xareysay 2014-kii.

"Kenya waxay si khaldan ugu turjuntay talaabadaasi mid aanan saaxiibtnimo ahayn," ayaa lagu yiri bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay mareega GO, xafiis wareedkiisa Muqdisho.

Dhinaca kale, qoraalka ayaa waxaa lagu cambaareeyay talaabadda Xildhibaanadda Kenya ku sheegeen in ciidamadooda ay diyaar u yihiin in ay difaacan dhulkooda.

Sidda lagu sheegay jadwalka ICJ, Soomaaliya ayaa dooda labaad waxay soo bandhigi doonta Khamiis, 12-ka September, halka Kenya ay jawaabteeda la imaan doonto Jimce, 13-ka September.

Kenya, oo ku hungowday talaabooyin ay cadaadis ku damac-saneyd, ayaa muddo waxay xusul-duub ugu jirtaa in arrinta badda lagu dhameeyo wada xaajood siyaasadeed, layskana ilaabo maxkamad.

Dowladahan deriska ayaa isku haya goob badkeeda lagu sheegay 100 KM oo isku wareeg kuna taala xuduud badeed labada dhinac ah, halkaasi oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sida Gaaska iyo Naqaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM