Soomaaliya oo heshiis cusub la gashay Uganda [Yaa saxiixay?]

Image
Image

KAMPALA, Uganda - Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo booqasho ku jooga Uganda, gaara ahaan Magaalada caasimadda ah ee Kampala ayaa wuxuu halkaas kula kulmay dhigiisa Uganda Sam Kutesa.

Labadda mas'uul ayaa inta uu socday kulankooda waxaa diiradda lagu saaray arrimaha dhaqaalaha iyo amaanka, kuwaasoo Wasiiradda ay carabka ku adkeeyeen muhiimada ay ay leedahay inay kawada shaqeeyeen.

Intaas waxaa dheer in mas'uuliyiintaan ay isla soo qaadeen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika, guud ahaan Qaaradda iyo waliba caalamka intiisa kale, sida lagu sheegay War-saxaafadeed.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasiiradda ay kala saxiixdeen heshiisyo is-fahan ah oo ku saabsan arrimaha; horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga iyo maal-gashi wadajir ah.

"Labadda mas'uul waxay ku adkeeyeen carabka in muhiim tahay in qodobadaan la dhaqan-geliyo, oo laga dhigo kuwa wax ku ool ah," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibada Soomaaliya.

Wasiir Cawad ayaa wuxuu uga mahad-celiyay Shacabka iyo dowladda Uganda, dadaaladda ay ku bixinayaan soo celinta xasiloonida Soomaaliya, oo ku aadan dhanka amaanka iyo nabadda.

Uganda ayaa door muuqata ku leh Howgalka Nabad illaalinta Soomaaliya ee AMISOM, waxaana ciidamo ay ka joogaan Magaalada Muqdisho, iyo waliba gobolka Beeraha caanka ku ah ee Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Doorashada Lagu Muransan Yahay ee Muqdisho oo Heer Cusub Gashay

Khilaafka ka taagan guddiga doorashada iyo qaabka loo maamulayo geedi-socodka doorashooyinka ayaa sidoo kale sii hurinaya hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    17-08-2025

  • 01:27PM

Mucaaradka: Soomaaliya Waddo Qaldan Bay Ku Socotaa

Shariif Sheekh ayaa sidoo kale xukuumadda ku eedeeyay inay boobtay dhul dadweyne oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-08-2025

  • 09:30AM