Soomaaliya oo wada hadal la fureysa Itoobiya kadib daadadka Beledwayne

Image

BELEDWAYNE, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay bulshada Hirshabeelle sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka samata-bixinta dadka dhibaataysan iyo xal u helista musiibadan dabiiciga ah.

Farmaajo ayaa qiimeeyey gacanta ay ka geysteen Guddiga Gurmadka Qaran ee Fatahaadaha oo Xukuumaddu ay u xilsaartay yareynta khasaaraha iyo isku duba ridka hawlaha gargaarka deg-dega ah.

"...isagoona bogaadiyey midnimada iyo is-garab istaagga ay muujiyeen dadka deegaanku," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda.

Hay’adaha Dowlaldda ee ay khuseyso ayuu faray dhammeystirka qorshaha kahor-tagga musiibooyinka dabiiciga ah, kaas oo xal waara u ah dhibaatooyinkan soo laalaabtay ee galaaftay nolasha iyo hantida muwaadiniinteenna.

"Halkan waxaan u imaannay in aan idinla qeybsanno xanuunka iyo dhibka aan ka aragnay fatahaadahan oo soo noqnoqday. In kasta oo tabarteenno la egtahay waa in aan u istaagnaa ka hortagga dhibaatooyinkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey dowladaha ka soo jaawabay qeylo-dhaantii ku aaddanayd musiibadan, kuwaas oo ay ugu horreeyaan shacabka iyo xukuumadda dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

"Waxaan Alle naxariistiisa Janno u weydiinaynaa dhammaan muwaadiniinta nooga shahiiday," ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Dadaallada isku tashiga iyo samafalka ah ee ka bilowday dalka, jaaliyadaha iyo goobaha shaqada, kuwaas oo loogu gurmanayo walaalaheenna ku dhibaataysan deegaannada fatahaaduhu ay saameeyeen ayuu dhiirogeliyay.

"Dowladaha deriska ah waxaan kala hadli doonaa qorshaha mustaqbalka ee wax ka qabashada fatahaadyadda soo laablaabtay," ayuu hoosta ka xariiqay. "Sanadkii hore waxaan qiyaasnay in ay ahayd markii u dambeysay".

Itoobiya ayaa ah halka uu ka yimaado Webiga Shabelle, wuxuuna soo maraa dhul buuraley ah, taasoo marka uu roob da'o keenta in xawaaraha biyaha ay ku socdaan ay kordheen kuna soo butaacaan dhanka Soomaaliya.

Saraakiil ku dhow madaxtooyadda ayaa laga soo xigtay in Soomaaliya ay wada hadalada ku darsan doonto qodob ku aadan biyo xireen loo sameeyo biyaha Webiga Shabelle ee ka yimaada Itoobiya.

Daadadka Beledwayne oo sanadkan lagu sheegay midkii ugu waxyeeladda badnaa ayaa la sheegay in ay ku barakaceen 60-kun oo ruux isla markaana ku naf-waayeen tobanaan ay ku jiraan mas'uuliyiin dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Turkiga oo dhaqan-geliyay heshiis dhanka difaaca ah

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa ka qeybgalay munaasabada lagu soo bandhigay fulinta heshiiskan.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 04:20PM

Turkiga oo markab dagaal weyn usoo diray xeebaha Soomaaliya

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa inuu ka qeybgalo xafladda soo dhaweynta markabka.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:42AM