Soomaaliya oo weyday mid kamid ah hal-abuuradii ugu murtida badnaa

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Maxamuud Cabdullaahi Ciise oo caan ku ahaa magaca Sangub ayaa subaxnimadii Talaadada maanta ah ku geeriyoodey Addis Ababa, caasimada dalka Itoobiya.

Marxuumka oo u tegay xarunta dalka aan badda lahayn howlo caafimaad ayaa wuxuu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafey maadaama xaaladiisa wax looga qaban waayey gudaha waddanka.

Sangub oo ahaa filim-sameeya, Abwaan, Qoraa iyo Jilaa ayaa ah mid kamid ah hal-abuuradii ugu fiicnaa uguna murtida badnaa taariikhda fanka Soomaaliyeed kahor iyo kadib burburkii.

Qoyskiisa oo xaqiijiyey dhimashadiisa ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in aas-qaran loogu sameyn doono magaaladda Jigjiga, xarunta gobolka Soomaalida ee hoostaga dalka Ethiopia.

Madaxda kala duwan ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah asxaabtii ay shaqo-wadaagta ahaayeen ayaa ka tacsiyeeyay geerida Sangub oo ay ku tilmaameen in uu "tusaale" u ahaa jiilka cusub ee fanka.

Sangub ayaa sanadkii 1944-tii wuxuu ku dhashay magaaladda Dhagax-buur ee Soomaali Galbeed, halkaasi oo uu kusoo barbaarey kahor inta uusan Hargeysa imaan sannadkii 1961.

Caasimada maamulka Somaliland ayaa waxa uu kusoo qaybta ugu badan ee fankiisakahor inta uusan magaaladda Muqdisho imaan oo ay hibadiisa kusoo ban-baxday.

Marxuumka ayaa aad ugu caan-baxay sameynta Heesaha, Ruwaayadaha iyo Gabayadda wadaniga ah. Ruwaayadda hir-galay ee uu alifay waxaa kamid ah; "Naga Guur" iyo "Lamood noqonse wayday".

Sikastaba ha ahaatee, Soomaalida oo si lamid ah ka fal-celiyey dhimashada Abwaanka ayaa ku tilmaamyay "halyey qaran" iyaga oo u rajeeyay in uu ALLE ka waraabiyo Janatul Firdowsa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Markale Weerar Afka ah Ku Qaaday Ilhan Omar iyo Soomaaliya

Trump ayaa warbaahinta u sheegay in Ilhan Omar ay ka timid Soomaaliya, isagoo sawir…

  • Soomaliya

    12-06-2026

  • 05:00AM

Infantino: FIFA Waxba Kama Qaban Karto Kiiska Cumar Cartan

Cumar Cartan, oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansan isboortiga Soomaaliya isla markaana ku guuleystay abaalmarinta Garsooraha Sanadka ee CAF 2025.

  • Soomaliya

    11-06-2026

  • 12:21PM