Soomaaliya: Qaar kamid ah Dhaawacyada Qaraxii Zoobe oo la qaaday [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Diyaarad milatary oo ay leedahay dowladda Turkiga ayaa saaka lagu qaaday qaar kamid ah dhaawacyadii ugu cuslaa ee ku waxyeelloobay weerarkii Sabtidii lasoo dhaafay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan wasiirro, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil dowladda katirsan ayaa ka qayb qaadanaya daad guraynta dadka dhaawaca ah ee loo qaadayo dalka dibadiisa.

Sawirro lagasoo qaaday gurmadka lagu daad guraynayo dhaawacyada ayaa muujinay gurmad xoog leh oo kasocda garoonka Aadan Cadde iyadoo la arkayo mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiil kasocta hay’adaha caafimaadka Turkiga oo gurmad u samaynaya bukaanada.

Warar kasoo baxay dhaawacaas ayaa sheegaya in ilaa hadda la qaaday in kabadan 20 ruux.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyo kale dalka dibadiisa loo qaadi doono.

Dalka Turkiga ayaa noqday waddankii ugu horeeyay ee gurmad ka gaysta masiibadii 14 bishan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Erdogan ayaa amray diyaaradda dhaawacyada qaadaysa isagoo sidoo kale soo diray dhaqaatiir iyo kal-kaaliyaal caafimaad.

Arrintan ayaa timid xilli wafdi uu hogaaminayo wasiirka Caafimaadka Turkiga uu maanta Muqdisho soo gaaray isagoo la kulmay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.

Masiibadii Zoobe ayaa ilaa hadda laga dareemayaa Muqdisho, waxaana la filayaa in maydad hore oo lasoo saaray iyo kuwii hore qaybtood aas- qaran loogu sameeyo caasimadda Soomaaliya.

Tirada dhimashada ayaa kor u dhaafaysa 276 ruux, taasoo noqotay tiradii dadkii ugu badnaa ee hal mar qarax lagu dilo Muqdisho.

Wali waxaa goobaha caafimaadka kasocda gurmadyo ay samaynayaa dadka shacabka ah gaar ahaan dhalinyarada oo ugu deeqaya bukaanada dhiigag iyo cuntooyin.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, RW Khayre, Wasiir Islow, Guddoomiye Taabid iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda ayaa dhaawacyada dhiigag ugu deeqay.

Ilaa hadda mashaqadaas majirto cid sheegatay inkastoo mas’uuliyadda la saarayo kooxda Al Shabaab oo inta badan ka dambaysa falalka argagaxa leh ee ka dhaca Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM