​Soomaaliya: Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax culus ayaa caawa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Isbitaalka Digfeer iyo Isgoyska Tarabuunka, ee magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaaro geestay.

Goob-joogiyaal ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay qaraxa, oo ay sheegeen inuu ka dhashay miino wadada dhinaceeda lagu aasay, taasi oo lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda.

Qaraxa oo jugtiisa meelo fog laga maqlay, ayaa waxaa la sheegay inuu bur-bur xoggan gaarsiiyay Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano, oo ay  saarnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Imaaraadka uu tababaray.

Ciidamada dowladda, ayaa xiray wadada, xilli mashquul badan uu ka jiray wax yar kadib qaraxa, waxayna meesha ka jiideen Gaariga ay waxyeellada soo gaarey.

Saraakiisha maamulka degmada Hodon, oo ah halka uu qaraxa ka dhacay caawa, kama aysan hadlin weerarka, balse illo madax-banaan ayaa xaqiijnaya in ugu yaraan saddex Askari ay ku dhaawacmeen.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse weerarada noocan ah, ayaa inta badan waxaa gaysta Al shabaab, oo dagaal mudo ku dhaw 10 sano kula jirto dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM