Soomaaliya: Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax miino oo khasaaro geestay ayaa saaka ka dhacaya gudaha magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, ee maalaha fog laga hago ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Isgoyska Tarabuunka iyo Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodon, waxaana ku dhintay hal ruux oo shacab ah.

Saraakiisha ciidamada amaanka degmada ayaa waxay sheegeen in 3 Askari ay ku dhaawacmeen qaraxa, islamarkaana ay jirin wax khasaaro dhimasho ah oo ciidamada la weeraray soo gaarey.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan, oo qeyb ka ah qaraxyo miinooyin ah oo mudooyinkii damabe kusoo kordhayay Muqdisho iyo duleedkeeda, gaar ahaan wada aada degmada Afgooye, kuwaasi oo qaarkood ay sheegatay Kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM