​Soomaaliya: Waare “Nidaamka Federaalka kuma Raaxaysanayno”

Image

KISMAAYO, Soomaaliya- Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeedinayay furitaanka shirka madaxda maamul goboleedyada ee ka soconaya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, ayaa ka hadlay xaaladda waddanka iyo aragtidiisa ku aadan shirkaas.

Waare oo ah madaxweynihii ugu dambeeyay doorasho ahaan maamullada ka jira dalka, ayaa shirkan ku sifeeyay mid yimid kadib gaabis ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inaysan marnaba ka shaqayn doonin waxyaabo horseed xumo u ah dalka.

“Hadii qoys xoogaa taladu ka wareerto oo Odaygu isugu yeeri waayo, oo Habartu isugu yeeri weydu oo ilmuhu inay kaligood is wacdaan dantu bido horta meeshaas dhib weyn baa ka jirta. Markii Ilmuhu isu yimaadaan Odayga iyo Habartu markaas wel-wel galo waa mid meesha ku jirto.” Ayuu yiri Waree oo hadalkiisa kusii daray, “Laakiin waxaan idiin sheegaynaa Ilmuhu caasi maaha, waxaana rabnaa in reerku wanaagsanaado oo la tooso, oo taladu fiicnaato, wax alle wixii Ilmuhu is yiraahdaan aabbaha iyo Hooyada ayay u keeni doonaan hadii Ilaahay Idmo, habarta iyo Odayguna inay dhiiranaan muujiyaan oo qolka soo galaan oo Ilmaha dhahaan war maxaad sheegaysaan ayaase kasii fiicnayd.”

Waare wuxuu intaas ku daray in shirkan uu yahay mid wadatashi, wanaag looga hadlayo, talo murugtay lagu hagaajinayo islamarkaana wixii la is-dhahay bannaanka la keeni doono, wuxuuna madaxda dowladda Soomaaliya isagoo ku matalaya Aabbe iyo Hooyo u sheegay inay ka war-sugaan waxa ay soo saari doonaan, hadii laga soo gaarana ay kasii fiicantahay.

Madaxweynaha HirShabeelle isagoo sii hadlaya, wuxuu ka waramay nidaamka Federaalka iyo sababta keentay in dalka lagu dhaqo, isagoo sheegay inay keentay duruuftii colaadda laga dhaxlay iyo bur-burkii dowladdii dhexe.

“Federaalka Danbaa na baday, dhibaato aan isu gaysanay ayaa nabaday, ee maaha wax aan ku raaxaysanayno,” Ayuu yiri Waare.

Wuxuu soo jeediyay hadii nidaamkan uu xal u noqon waayo dhibaatada dalka iyo umadda Soomaaliyeed mar kale isku tashato oo ay raadiso xal kale oo ay ku wada joogi karaan.

Mar uu ka hadlayay in hormarka lagu koobo Caasumadda Soomaaliya, wuxuu yiri, “Caasumadda anagaa ugu dhow iyo Koonfur Galbeed, hadii marka talada iyo dakhliga, nabadda iyo barwaaqadu, haday Xamar soo dhaafi waayaan hade Xamar Jeclaan mayno.”

Maxamed Cabdi Waare oo khudbadiisa diiradda ku saarayay ka gudbista kala xir-xirnaanta iyo dhibaatada ayaa ku baaqay in meesha laga saaro waxyaabihii mas’uulka ka ahaa mashaakilka hadda taagan.

Dhinaca kale, wuxuu madaxda maamullada ugu baaqay inay ku dhaqmaan Dastuurka iyo Kitaabkii ay ku dhaarteen.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay in ruux kasta bannaanka soo dhigo wixii tabasho ah ee uu Caloosha ku hayo, si looga shaafiyo.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex-galay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya, taasoo timid markii xukuumadda Farmaajo la timid siyaasad cusub oo ku aadan qaabka ay kula dhaqmeyso maamulada dalka ka jira.

Halkan ka Daawo Khudbadda Madaxweyne Waare ka jeediyay shirka Kismaayo

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM