Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyey Mooshinka ka dhanka ah Jawaari

Image

MUQDISHO- Magaalada Muqdisho ayaa Afar iyo Labaatankii Saac ee lasoo dhaafey waxa ka socdey kulamo lagu dajinayo xiisada siyaasadeed ee ka dhalatey mooshinkii laga soo gudbiyey gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Soomaaliya kuwasoo u dhexeeya dhinacyada isku haya khilaafkaan.

Waxaa habeenkii xalay Madaxweyne Farmaajo la kulmay guddi maalintii shaley Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka u soo magacaabey iney wada-Xaajood ka  galaan sidii loo xalin lahaa khilaafka taaagan kasoo sida warsidaha GO ogaadey ku soo dhamaadey is-afgarad.

Wararka laga heley xubno ka tirsan gudigaan ayaa warsidaha GO u sheegey in Madaxweyne Farmaajo kala kulmeen soo dhoweyn wanagsan islamarkaana qodabadii laga wada-hadlay la isku af-gartey sidii loo fulin lahaa.

Qodobada laga wadahadlay ayaa intooda badan diirada saarayey in si sharciga waafaqsan loo maro cod u qaadista mooshinkaan iyo in Gudoomiyaha u ay u furan tahay wado ah inuu is-casilo.

Xilli ay socdaan isku dayo lagu qancinayo Jawaari, ayaa gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Shacabka Cabdiweli Muudey maanta shaaciyay inuu jira maalinta berri ah Kulan cod loogu qaadayo Mooshinka. Halkan ka akhri Warbixinta.

Xildhibaanada ka socdey dhinaca Jawaari ayaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha ay ku raaceen labadaan qodobo iyagoo cadeeyey in Jawaari u madax banaan yahay qaadashada labadaan qodob.

"Madaxweynaha waxaan u cadeyney in Gudoomiye Jawaari uusan noo afduubneyn islamarkaana uu u madaxbanaan yahay go’aan qaadashadiisa.” Sidaas waxaa GO u sheegey mid kamid ah Xildhibaanadaas oo la hadlay GO.

Ka hadalka qodobkaan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiye Jawaari ay ku hareereysan yihiin xildhibaano mucaarad ku ah xukuumada Khayre kuwasoo ka tirsanaan jirey dowladihii ka horeeyey Madaxweyne Farmaajo.

Ugu dambeyntii sida ay sheegayaan xogaha ku dhow kulankaan Madaxweyne Farmaajo ayaa codsadey in isaga iyo Jawaari kulmaan si ay go’aan kama dambeys ah uga gaaraan xal u helista mushkiladaan.

Xaalada siyaasadeed ee magalaada Muqdisho ayaa dagan 24 saac ee ugu dambeysay iyadoo dadka Soomaaliyeed dhagta u taagayaan go’aanka madaxda sare ee dowlada ka qaadan doonto xal u helista khilaafkaan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Warsidaha GO u sheegey in wadahadal hoose u socdo Madaxweyne Farmaajo, Khayre iyo Jawaari kuwasoo Gudoomiyaha lagu qancinayo inuu is-casilo isagoo loo sameynayo balanqaadyo maaliyadeed iyo shaqo.

Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo xilkaan markii  labaad loo soo doortey ayaa waxaa lagu eedeynayaa curyaamin shaqadii shuruuc hortaala aqalka, socodsiin la’aan dib u eegis lagu sameeynayo Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya iyo qodobo la xiriira Musiqmaasuq.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasare Khayre ayaa ka aamusan in shacabka Soomaaliya u sheegeen sababta ay u tageerayaan mooshinka xilka looga qaadayo Jawaari.

Jawaari ayaa warsaxafadeed uu horey u qabtey ku sheegey in Golaha fulinta dabada uga riixayaan xil ka qaadistiisa madaama ay sheegeen ay la shaqeyn waayeen afhayeen aqalka balse dhinaca Villa Soomaaliya ma beenin eedeyntaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM