Su'aal laga keenay hadalkii Khayre ee doorashada Soomaaliya 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hadalkii ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee doorashooyinka sanadka 2020-21 waa in la kala caddeeyo hadii ay ka mideysan yihiin dhamaan madaxda waddanka, sidda uu codsaday siyaasi.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo u waramay BBC ayaa su'aal ka keenay in dhawaqa ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ay isku aragti ka yihiin dhamaan xubnaha Laanta Fulinta ee dowladda federaalka ah.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir ayaa adkeeyay baahida loo qabo in hadalka wasiirka koowaad ee xukuumadda "loo turjumo ficil".

"Waa tan ka dhiiragelineysa hadalka kasoo yeeray ra'iisul wasaaraha; dhiiragelintaas waxaan u baahan nahay in ficil loo rogo oo aysan ku ekaanin qowl iyo aan ogaano in waxa ay kuwada jiraan laanta fulinta dowladda," ayuu wasiirkii hore ee Qorsheynta yiri.

Baaqa siyaasiga ayaa kusoo beegmaya xilli warsidaha Garowe Online uu horey u baahiyey xog uu helay oo tibaaxeysa in Khayre iyo madaxweyne Farmaajo ay ku kala aragti duwan yihiin nooca coddeynta wadanka galayo.

Farmaajo ayaa la fahansan yahay in uu u han-qal taagayo qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay su'aal geliyeen xisbiyada mucaaradka.

Dhanka kale, siyaasi Cabdiraxmaan ayaa bogaadiyey "garashada" hogaanka dowladda ee ku aadan in saamileyda siyaasadda ay ku talo ku leeyihiin madasha go'aan looga gaarayo go'aanada masiiriga sidda doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka Qaranka ayuu si kulul oo furan ugu eedeeyay in ay ka shaqeynayaan "xalaaleynta muddo kororsi maadaama ay ku howlan yihiin doorasho aan waaciqi la joogo qabsoomi karin oo ah qof iyo cod".

Wadahadalo ay madaxda dowladda, maamuladda iyo xisbbiyadda siyaasadda ka galaan arrimaha doorashooyinka ayuu ku taliyey in dhowaan la qabto.

"Cidda hadda talada haysa waa iyaga, laakiin annaga dadka talada wax ku leh in aan nahay ayaan aaminsanahay oo dad Soomaaliyeed aan meteleno xisbiyo siyaasadeed oo diiwaan-gishanna aan nahay; marka cidda talada dhexda soo dhigeysa oo dadka kale ku martiqaadeysa oo ka tala gelineysa waa dowladda," ayuu hoosta ka xariiqay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dowladda dowlada Farmaajo ayaa looga fadhiyey qabashada doorasho qof iyo cod ah, qabyo tirka dastuurka, sugitaanka ammaanka iyo ciribtirka Al-Shabaab, hase ahaatee, waxaa muuqaneysa in aan waxba laga qaban arrimahaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo beeniyay qoraal lala xiriiriyey

Beenintan ayaa imaanaysa xilli hogaamiyeyaasha labadan maamul ay joogaan Muqdisho.

  • Soomaliya

    23-04-2024

  • 05:13AM

Qaramada Midoobay oo xaqiijisay war dhowaan uu baahiyay Garowe Online

Waxuu isbedelkan imaanayaa xili khilaaf siyaasadeed uu ka jiro Soomaaliya, oo ka dhashay wax ka bedelka dastuurka.

  • Soomaliya

    22-04-2024

  • 05:25PM