Su'aallo ka dhashay socdaalkii wasiir Ine Marie ee Muqdisho

Soomaliya
By WARIYAHA MUQDISHO , GAROWE ONLINE
Wasiirada iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulankooda arrimaha looga hadlay waxaa kamida xiisada Kenya | Xuquuqda Sawirka: OPM

MUQDISHO, Soomaaliya – Waydiimo horleh ayaa durba soo if-baxaya ka gedaal markii Isniintii magaaladda caasimada Muqdisho ay tegtay Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Norway, Ine Marie Eriksen Søreid.

Intii ay joogtay magaala madaxda dalka Geeska Afrika dhaca, Søreid ayaa la kulantay mas'uuliyiin uu ku jiro ra'iisul wasaare Khayre wallow aysan dowladdu soo bandhigin qodobada dhabta ah oo ay isla soo qaadeen.

Qoraal uu soo saarey xafiiska Khayre ayaa lagu sheegay in looga wada hadlay kulanka xiriirka labada waddan iyo mashaariicyo horumarineed ee ay Norway ka fuliso Soomaaliya.

Balse warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ujeedka ugu weyn ee socdaalka Wasiiradda uu daarnaa arrinta xiisada dowladaha Kenya iyo Soomaaliya taasoo salka ku haysa xuduud badeed ay labada isku haystaan.

Muranka ayaa isku rogay xiisad diblumaasiyadeed xili Nairobi ay sartay Muqdisho cadaadis ujeedkiisu yahay in ay Soomaaliya dib ula soo laabato dacwada ay kiiskaan ka gudbisay oo horyaala maxkamada cadaalada dunida.

Talaabooyinka Kenya oo isa soo taraya marba marka kasii dambeysay ayaa imaanaya iyadda oo xukunka maxkamada ICJ uu soo dhowyahay lana filayo in uu soo baxo ugu dambeyn sanadka cusub ee 2020-ka.

Norway ayaa la rumeysan yahay in ay kamid tahay wadamada Kenya ku riixaya in ay sheegato biyaha Soomaaliya maadaama shirkad wadankaasi laga leeyahay ay sahmin shidaal ka sameysay goobta lagu muran-san yahay.

Goobtaasi oo ku taala sohdin badeedka labada dowladood ee deriska ah ayaa waxaa la sheegay in ay hodan ku tahay noocyada ugu wanaagsan kheyraadka badda sida Shidaalka iyo Gaaska naqaska.

Kenya ayaa dooneysa in murankan qaab hoose loo xaliyo isla markaana dacwada Maxkamada lala soo laabto wallow aanan la xaqiijin wali hadii dalabkaasi ay Søreid hordhigtay ra'iisul wasaare Khayre.

Warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay sanadkii 2013-kii ayaa lagu sheegay Norway ay taageerada horumarineed ee ay siiso Soomaaliya ugu qarsoon yahay "dano ganacsi".

- "Sahminta reer Galbeed ee shidaalka Soomaaliya oo sababi karaan colaad" -

Sahminta shidaalka ay shirkadaha ganacsiga reer Galbeed ka sameynayaa goobaha lagu muransan yahay ee Soomaaliya iyo kala aragti duwanaanshiyaha ku saabsan bixinta ruqsadaha la siinayo shirkadaha waxay dalka Geeska Afrika dhaca u sababi karaan colaad, sidaasi waxaa lagu sheegay warbixin qarsoodi ah oo ay diyaarisay hay'adda dabagalka arrimaha Soomaaliya taasoo soo baxday lix sano kahor.

Warbixintaasi oo sanad-le ah oo ay diyaariyeen kooxdan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay u qaabilsan cunaqabeynta Soomaaliya ayaa xeel-dheereyaasha waxay ku sheegeen in dastuurka Soomaaliya uu u ogolaanayo maamul goboleedyada in ay geli karaan heshiisyo ganacsi oo dhanka bartoolka ah.

Sharciga bartoolka oo ay kaliya diyaariyeen mas'uuliyiinta federaalka uuna meel-mariyey Aqalka Hoose balse qaadaceen maamuladda ayaa waxa uu xeerinayaan in kaliya dowlada dhexe ay kaliya qeybin karto kheyraadka dabiiciga ah ee waddanka laga helo.

"Is-maandhaafyadani, hadii aanan la xalin, waxay sababi karaan khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowlada iyo maamuladda taasoo sii xumeyn karta kala qeybsanaan karta beelaha waxayna khatar ku tahay nabada iyo amniga," ayaa lagu yiri nuqul kamida warbixinta oo dhowr bog ka kooban oo ay heshay wakaaladda wararka ee Reuters.

Kadib markii la riday dowladii Siyaasad Barre sanadkii 1991-dii, Soomaaliya ayaa lugaha la gashay jahwareer tobanaan sano taagan, taasoo kasoo bilaabatay gacanta dagaal oogeyaal kuna dambeysa maleyshiyaad Islaamiyiin ah, kaliya maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa saameyn badani aysan ku yeelan rabshadahaasi.

Daraasiin shirkado ah oo ay ku jiraan kuwa waaweyn oo arrimaha Gaaska iyo Shidaalka ka shaqeeya ayaa la siiyey in ay sahmin ka sameeyaan Soomaaliya kahor 1991-dii balse wixii ka dambeeyay Puntland iyo Somaliland ayaa bixiyey ruqsado kale oo madax banaan.

Kiisaska la xiriira ruqsad bixinta degaanada Puntland iyo Somaliland shirkadaha warbixinta kasoo muuqday in ay siiyeen waxaa kamida DNO oo laga leeyahay Norway iyo Africa Oil Corp oo Canada ka dhisan.

"Xaqiiqo ahaan, markay sameynayaan howlgalada sahminta ee xirtmooyinka, waxaa ilaaliya ciidamo ay wehliyaan maleyshiyaad ama kuwa gaar loo leeyahay taasi oo dhalin karta colaad cusub oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland," ayay ka digtay warbixinta.

Warbixinta ayaa intaasi raacineysa: "Waa digniin taasoo ku saaban in ciidamada maamulada iyo kooxaha hubeysan ay diri karaan iyaga oo difaacaya danaha shirkadaha reer Galbeed".

Khabiirada ayaa qormadooda ku sheegay in kiis noocaan ah ay ku lug-yeesheen shirkado laga leeyahay Norway, Sweden iyo Canada wallow aysan shaacin goobta iyo goorta uu iska hor-imaadku dhacay.

"Kiiskan waxaa ku lug-yeeshay shirkad reer Norway oo dhinac ah iyo shirkado kale oo Sweden iyo Canada laga leeyahay oo dhinaca ah, waxayna dhacayaa iyadda oo labada waddan ay door ku leeyihiin dedaalada nabadeynta iyo wadahadalka Soomaaliya," ayay sheegeen xeel-dheereyaasha.

Bjorn Dale, ku simaha madaxweynaha ahna agaasimaha maamulka iyo qunsulka guud ee shirkadda DNO, ayaa waxa uu xusay in warbixinta UN-ka aysan wali kala caddeyn balse wuxuu meesha ka saarey in ay sameeyeen waxyaabo halis ku ah nabadda oo ay ka fuliyeen Somaliland.

Shirkadda Africa Oil illaa iyo haatan kama aysan jawaabin qormadda kooxdan arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa oo sanadkiiba warbixin soo saara.

- Dano isla soo horjeeda -

Soomaaliya ayaa xusul-duub ugu jirta dib-u-dhis kadib colaado tobanaan sano socda. Ciidamo ay Qaramada Midoobay taageerto oo dalka ku sugan waxay ku howlan yihiin in ay wiiqan Al-Shabaab.

Khabiirada Qaramada Midoobay ayaa walwal ka muujiyey in iska hor-imaad uu sababo dalab ay gudbisay Norway oo ku saabsan in ay Soomaaliya ka hirgeliso meel ka baxsan xeebteeda aag dhaqaalo oo xor [EEZ] halkaasoo ay ku jiraan danaha shirkad laga leeyahay Norway.

Sida ku cad Heshiiskii UN-ka ee Heshiiska Badda, EEZ wuxuu u oggolaanayaa Soomaaliya 12 mile oo dhul-xuduudeed kaasoo sheeganaya xuquuqda madaxbannaan ee sahaminta, ka faa'iideysiga, ilaalinta iyo maareynta khayraadka dabiiciga ah ee ku yaal 200 oo mile.

Axdiga Qaramada Midoobaya ayaa wuxuu ku talinayaa in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay Kenya wadaxaajood kala gasho xuduud dhul-badeedka taasoo ay sheegayaan khabiirada UN-ka in ay hor-seedi karto muran kale oo ka dhashay sahmin shidaal oo laga fulin lahaa biyaha Kenya.

Warbixinta UN. ayaa sheegtey in Kenya ay hakisay ruqsad ay siisay STL oo ku saabsan xirmooyin shidaal oo ku jira aaga L2-da L2 "sababtoo ah shirkadda reer Norway ma dooneyso in ay lacag ku qarash gareyso baaritaanka iyada oo ay jirto hubanti la'aan sharci ah oo ku saabsan xudduudda badda ee Soomaaliya".

Sarkaal ka tirsan xukuumadda Kenya ayaa u sheegay khabiirada UN. in shirkadda Statoil ay muujisay xiiso ay u hayso in ay horumariyaan Aagga hadii xuduuda ay ku raacdo Soomaaliya iyo in xirmooyinka L26-ka loo aqoonsado in ay ku jiraan biyaha waddanka Kenya.

"Norway oo kaashaneysa mas'uuliyiin Soomaali ah ayaa ku dadaaleysa in ay qabsato EEZ halkaasoo ay ku jiraan danaha Norway ee xirmooyinka L26 si lamid ah saameynta Norway ee deeqaha la siiyo dowlada Soomaliya oo mas'uuliyiinta si musuq-maasuq ah loogu diiwaan-geliyo," ayay tiri warbixinta.

Khabiirada ayaa ku sifeeyay taageerada horumarineed ee ay Norway siiso Soomaaliya mid ay ku hoos-qarsoon tahay "danno ganacsi" wallow arrintaasi uu beeniyey Wasiirka Horumarinta Caalamka ee Norway Heikki Eidsvoll Holmas.

Howlgalka Norway ee Soomaaliya oo laga codsaday in wax laga waydiiyo oo uu ka jawaabo dhamaan eedeymaha ku jira warbixinta ma aysan kasoo jawaabin, iyaga oo aanan sabab waafi ah soo bandhigin.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey