Taariikhda sarkaalka Al-Shabaab ah ee Muqdisho laga dejiyay [Sawirro]

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaal sare oo Al-Shabaab kasoo goostay uu isku soo gacan-geliyay dowladda.

Horjoogahaan oo lagu maacaabo Aadan Cabdi Maxamed [Aadan Coobe] ayaa Talaadadii iska dhiibay degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Saraakiisha sirdoonka ayaa shaaca ka qaaday in Aadan Coobe looga dhex-yaqaano maleyshiyaadka argagixisada ah Food Aadan Maxamed.

Aadan ayaaa kamid ahaa mas'uuliyiinta dhanka canshuuraadka ah ee xoogaga cilaaqaadka la leh Ururwaynaha Al-Qaacida.

Coobe ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Shabaab oo ay kamid tahay; in uu ka tirsanaa Golaha Shuurada iyo madaxa arrimaha Bulshadda.

Sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo dhanka amaanka ah, Aadan markii ugu dambeysay wuxuu ahaa madaxa Saadka gobolka Jubada Hoose ee Shabaab.

Maxamed Xuusen Al-Qaadi, gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ee Jubbaland, ayaa shaaciyay in ruux kale uu wehliyo Aadan Coobe.

"Iyagaa dowladda lasoo xiriiray oo go’aan saday in ay soo goostaan," ayuu u sheegay Laanta Af Soomaaliga ee VOA-da.

Aadan Coobe ayaa haatan ku jira xarunta sirdoonka Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo si lamid ahay ku jiraan xubno kale.

"Tani waxay dharbaaxo ku tahay Al-Shabaab," ayuu Mr Al-Qaadi daba dhigay hadalkiisa markii la waydiiyay waxay ka dhigan tahay arrintaan.

Coobe oo aad ugu dhowaa hogaamiyihii Al-Shabaab ee Axmed Godane ayaa si lamid ah xubin ka ahaa Midowgii Maxaakiimta, oo muddo lix bilood ka arimiyay guud ahaan bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Villa Somalia Oo Banaanka Yimid: Mahad Salaad Oo Ka Horyimid Qorshaha Xasan Sheekh

Tallaabadaas ayaa la sheegay inay si weyn uga careysiisay Taliyaha Hay’adda Nabad..

  • Soomaliya

    27-05-2026

  • 10:32AM

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM