Tababarihii xulka kubada cagta Soomaaliya oo shaqada ka tegay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Macalinkii guusha taariikhiga ah u soo hooyey xulka kubadda cagta Soomaaliya, Bashiru Hayford, ayaa shaqada ka tegay.

Tababarahaan u dhashay Ghana ayaa sababta is-casilaadiisa ku sheegay arrimo ammaan iyo weeraradda sii kordhaya ee Al-Shabaab.

Hayford ayaa ku hogaamiyey Soomaaliya guushii ugu horeysay ee Koobka Aduunka kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay waddanka.

Bishii September, 2019, ciyaar ka tirsaneyd is-reereebka koobka aduunka ayay Soomaaliya 1-0 kaga badisay qaranka Zimbabwe.

Sidda ku xusan warqado caddeyn ah, macalinkaan ayaa qandaraas laba sano ah kula jiray Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Dhanka kale, saxaafadda cayaaraha Soomaaliya ayaa ku warameysa in is-casilaadda Hayford ay ahayd "mid aad loo filayey"

Sababta ayay ku qeexayaan isbedel "loo baahdey" in lagu sameeyo hogaanka qaranka isla markaana loo dhiibo macalimiin Soomaali ah.

Bishii Maaj, 2019-kii ayay ahayd markii Hayford uu la wareegay booska tababaraha xulka Soomaaliya, isagoo bedelay Maxamed Cabdullaahi Farayare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM