​Taliyaasha ciidamada Somalia iyo Masar oo kulmay

Image
Image
Image
Image

QAAHIRA- Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeya Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalka Masar, ayaa kulan kula qaatay Magaalada Qaahira, Taliyaha guud ee Ciidanka dalkaasi  Sareeya Guud Mohamud Hijaali iyo Saraaakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida. 

Mas'uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Masar iyo Somalia, waxaa kale oo ay isla soo qaadeen qaabkii loo xoojin lahaa taageerada dhanka ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso Somalia. 

Maxamed Aaden Axmed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka sida ee dalkaas, wuxuna  tilmaamay  in booqashadani sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada waddan, isagoo xusay Masar taariikh fog oo iskaashi ciidan ah in uu kala dhexeeyo Soomaaliya.

“Waxaan u mahadceliyaa Dawladda iyo Shacabka Masar sida diiran ee aniga iyo wafdigii ila socday ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen, safarkan waa midkii ugu horeeyey ee intii aan xalka hayay dibedda ku imaado, waxana aan ku imid Masar, taas oo cadeynaysa sida ay nooga go’an tahay in xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca ciidamada kor loo qaado,”Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Somalia.

Wuxuu intaasi ku daray taliyuhu “Masar waa halkii aan ugu baxay kuliyadda dagaalka 1969-kii dufcadii 55-aad, waana saaxiibka koowaad ee Soomaaliya".

Taliyaha guud ee Ciidanka  Xoogga dalka Masar, Sareeya Guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garb taagan tahay dib-u- dhiska ciidanka xoogga, ayna ku bixin doonan maskax iyo maal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM