Taliyaha Ciidamada Soomaaliya oo gaarey Kismaayo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa maanta oo Arbaco ah ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Gorod ayaa waxaa sodcaalkiisa ku wehlinaya xoghayntiisa gaar ah, saraakiil xafiiskiisa ka tirsan, xubno ka socda wasaarada Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo qaar kamid ah taliska ciidanka xooga dalka.

Garoonka diyaaradaha waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wafdiga Taliyaha, Taliyaha guud ee Ciidanka Jubbaland Janaraal Aadan Koojaar iyo saraakiil ka socotay Wasaaradda Amnigga mamaulka Axmed Madoobe.

Saraakiil ka socotay Taliska 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta Jubbaland oo uu hogaaminayay General Ismaaciil Saxardiid, ayaa sidoo kale, soo dhawaynta qeyb lixaad leh ka qaatay.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka xooga dalka ma ahan mid si dhab ah loo ogyahay, balse Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan inay la xiriiriirto dar-dar-gelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Socdaalka Gorod ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada Ciidamada kala duwan ee ku sugan duleedka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM