Taliyaha Ciidamada Soomaaliya oo gaarey Kismaayo

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa maanta oo Arbaco ah ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Gorod ayaa waxaa sodcaalkiisa ku wehlinaya xoghayntiisa gaar ah, saraakiil xafiiskiisa ka tirsan, xubno ka socda wasaarada Gaashaandhiga dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo qaar kamid ah taliska ciidanka xooga dalka.

Garoonka diyaaradaha waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wafdiga Taliyaha, Taliyaha guud ee Ciidanka Jubbaland Janaraal Aadan Koojaar iyo saraakiil ka socotay Wasaaradda Amnigga mamaulka Axmed Madoobe.

Saraakiil ka socotay Taliska 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka qeybta Jubbaland oo uu hogaaminayay General Ismaaciil Saxardiid, ayaa sidoo kale, soo dhawaynta qeyb lixaad leh ka qaatay.

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidanka xooga dalka ma ahan mid si dhab ah loo ogyahay, balse Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan inay la xiriiriirto dar-dar-gelinta dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Socdaalka Gorod ayaa kusoo beegmaya xilli Al-Shabaab ay kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada Ciidamada kala duwan ee ku sugan duleedka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM