Somaliland: Taliyahii ciidanka birmadka Ber-bera oo la dilay

Image

16 December, 2015(GO)-Taliyihii ciidanka birmadka degmada Ber-bera xarunta gobolka Saaxil ayaa maanta lagu dilay magaladaasi, waxaana dilay sida wararku sheegayaan mid ka mid ah ciidamada u horjoogaha u ahaa.

Aadan Guuleed Tallabo ayaa goobta ku geeriyooda, ilaa haddana lama caddayn sababta lagu dilay.

Askariga toogashada gaystay ayaa ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxaana loo taxaabay xabsiga, waxaana socda baaritaanno ku aadan qaabka wax u jiraan iyo sababta keentay dilka taliyihiin ciidanka birmadka Ber-bera.

Weli kama hadlin dhacdadan laamaha ammaanka iyo xukuumadda Somaliland, wuxuuna falkani qayb kayahay dhacdooyin muddooyinkii dambe ku soo noq noqonayay magaalooyink waaweyn ee maamulkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa hagaajinta xiriirka Puntland

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa faafisay qoraal kasoo baxay madaxweynaha dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 03:37AM

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM