Soomaaliya: Jen Cirfiid oo booqday Ciidanka Bariire

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BARIIRE, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid), ayaa maanta gaarey deegaanka Bariire, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Cirfiid oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa booqday Saldhiyada Military ee Deegaanka Bariire oo maalmo kahor ay weerar ku qaadeen dagaalyahanno katirsan Al shabaab.

Abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya General Cabdullaahi Cali (Caanood) oo horey Bariire ugu sugna ayaa Deegaanka ku soo dhaweeyay Jeneraal Cirfiid iyo wafdigiisa.

Taliyaha ayaa intii uu ku sugna Bariire waxa uu booqday difaacyada Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ku leeyihiin duleedka deegaanka iyo Buundada Al-shabaab ay qaraxa ku burburisay.

Caanood ayaa Cirfiid uga warbixiyay xaaladda amniga ee deegaanka iyo dagaalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada la galeen Al shabaab, kaasi oo Askar badan lagu dilay, kuwa kalena dhaawacyo kasoo gaarey.

Al Shabaab ayaa mudo afar jeer ah soo weerartay Bariire tan iyo markii laga saarey Tuulada bishii August, ee sanadkan, iyadoo isku dayaysay inay dib u qabsato deegaankaasi muhiimka u ahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG : Maxaa Keenay Dib U Dhaca Kulanka Madaxda Soomaaliya?

Casumaadda degdega ah ee kulanka ayaa timi kadib markii warsidaha…

  • Soomaliya

    20-04-2024

  • 02:40AM

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM