Taliye ciidan oo isku-day dil kaga badbaadey gudaha Muqdisho

Image
Gaashaanle Sarre Maxamed Daahir Cabdulle waa taliyaha guutadda ilaaladda gaarka ah ee madaxda dowladda federaalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan hal qof shacab ah ayaa ku nafwaayay, laba kale oo askari ah way ku dhaawacmeen qarax miino oo Talaadada maanta ah ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Illo wareedyo amni oo codsadey in magacyadooda aan loola adeegsan warbaahinta ayaa u sheegay Garowe Online in qaraxa uu ka dhacay wadada Jaalle Siyaad ee degmada Hodan.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyadda falkan, waxaana ay shegeeen in ay beegsadeen sarkaal sarre.

Magaca sarkaalka ayay soo qaadeenn ayaa ah Gaashaanle Sarre Maxamed Daahir Cabdulle oo ah taliyaha guutadda ilaaladda gaarka ah ee madaxda dowladda federaalka ah.

Al-Shabaab ayaa intaas ku dartey in weerarkan ay ku khaarijiyeen shan kamid ah ilaaladda gaarka ah ee taliyaha. Balse, ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadaada.

Sawirro lagu faafay baraha bulshadda ayaa muujiyey hooyo dhinac-fadhisa meydka wiilkeeda oo ku naf-waayay qaraxa. Qaar kamid ah dadweynaha ka falceliyey ayaa ku tilmaamay "mid quus ah".

Waa markii saddexaad oo Gaashaanle Sarre Cabdulle uu ka badbaado isku-day khaarjin ah. Isku-dayadii hore ayaa ahaa kuwa uu si dirqi ah uga nabad-galay. Illaa haatan, taliyaha ma uusan ka hadlin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM