MUQDISHO, Soomaaliya - Telefishinka dowladda Soomaaliya ayaa baahiyey in xilka laga qaadey taliyihii booliska gobolka Banaadir, Saadaq John, laguna bedelay Farxaan Qaroole, taliyihii Haramcad.
Tani waxay imaaneysaa markii Saadaq John uu si lama filaan ah uga soo muuqdey idaacadaha la iska arko kuna baaqay doorasho xor ah.
Taliyaha booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter wuxuu ku xaqiijiyey in uu isaga eryay Saadaq John.
"Waxa aan maanta xilkii ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Gen. Saadiq Cumar, waxa aan sidoo kale Taliyaha Booliska Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir u magacaabay Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan," ayuu Xijaar yiri.
Xijaar ayaan soo bandhigin sababta uu jagada uga xayuubiyey Saadaq John.
Balse, daqiiqado kahor inta aysan soo bixin wareegtada xilka looga qaadey, Saadaq John ayaa sheegay in uu ciidanka booliska baajiyey shir lagu waddo in maanta uu yeesho Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka,
Kulankaas oo habeenimadii Axada la iclaamiyey ayaa mudaneyaasha lagu wargeliyey in ajandaha uu yabay ka doodista mooshin ku saabsan doorashooyinka Qaranka.
Mucaaradka oo walaac ka muujiyey is-aragan waxay sheegeen in muddo kordhin loogu sameynayo hay'addaha dowliga ah ee muddo xileedkooda uu dhamaadey.
Shaacinta fadhigan ayaa kusoo hagaagtay iyaddoo ay socdaan dedaalo dhinacyo kala duwan ku doonayaan in ay xal waara loogu helo is-mari-waa doorashooyinka loo madalsanaa dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021.
GAROWE ONLINE