Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka Uganda ee kamida AMISOM

Image

KAMPALA, Uganda – Madaxweynaha waddanka Uganda, Yoweri Museveni, ayaa taliye cusub wuxuu u soo magacaabay ciidamadda qarankaas ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM].

Digreeto kasoo baxdey xafiiska Museveni oo warbaahinta gudaha ay warisay ayaa lagu sheegay in Don William Nabasa loo magacaabay in uu hogaamiyo ciidamadda waddankaas ee howlgalka ka tirsan.

Don Nabasa oo ah Gaashaanla Sarre ayaa wuxuu soo noqdey Taliyaha Ciidamadda Sidda Gaarka ah u tababaran ee dalka Uganda.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2017-kii ayaa waxaa loo xushay jagadaas, isagoo kala wareegay Gaashaanle Muhoozi Kainerugaba.

Mr Kainerugaba ayaa waxaa waqtigaas loo magacaabay Lataliyaha sarre ee dhanka milatariga u qaabilsan Madaxtooyada Uganda.

Uganda ayaa howlgalka AMISOM waxay ku leedahay askar tiradooda ay gaareyso 6,000, waxaana ay ku jirtaa dalalka ugu badan.

Isbedeladaan ayaa waxay kusoo hagaagayaan xilli la filayo in ciidamadda AMISOM ay gudaha Soomaaliya ka hayaamaan horaanta sanadka dambe, wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in waqtiga loo kordhinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dhex-dhexaadin siyaasadeed oo xal loogu raadinayo Khilaafka Galmudug iyo Villa Somalia

Si kastaba ha ahaatee, xogaha ayaa sheegaya in kulamadii Dhuusamareeb ay ku soo dhammaadeen natiijo la’aan.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 06:38AM

Dowladda Federaalka oo qorshe u dejisay Bannaanbaxa Mucaaradka ee 4-ta June

Bannaanbaxa la qorsheeyay 4-ta Juun ayaa loo arkaa tijaabo muhiim u ah xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

  • Soomaliya

    31-05-2026

  • 04:52AM