Taliyeyaal loo magacaabay amniga Aadan Cadde iyo Miina Baarista

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa magacaabay taliyeyaasha amniga madaarka Aadan Cadde, waaxda Miino baarista bileyska iyo Akedeemiyada Jeneraal Kaahiye.

Sareeye Guuto Cabdi Xasan Maxamed [Xijaar] ayaa shaqsiyaadkan uu xilkaan u dhiibay kusoo xushay karti iyo aqoon, sidda lagu sheegay wareegtada oo nuqul kamid ah uu helay Garowe Online.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa digreetada lagu faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku shaqo galaan.

Saraakiisha xilalkaan loo xushay ayaa waxay ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa aadka uga dhex-muuqday mudada ay jirto dowladda madaxweyne Farmaajo.

Magacyadda taliyeyaasha cusub

1) Gaashaanle Sarre Cabdikariin Xuseen Macalin ayaa loo magacaabay Taliyaha Akedeemiyada Jeneraal Kaahiye
2) Gaashaanle Cabdifitaax Bashiir Cali, ayaa laga dhigay Taliyaha Saldhigga Booliska garoonka Aadan Cadde.
3) Gaashaanle Asad Cabddalla Saciid, ayaa loo xushay Taliyaha Laanta Miina Baarista ee ciidanka Booliska.

Madaarka Aadan Cadde ayaa kamid ah ilaha ugu badan ee uu dakhliga kasoo galo dowladda haatan jirta, waxaana maamusha shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga oo heshiis kula jirta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM

MAREYKANKA OO DARDARGELINAYA DANAHIISA MACDANTA AFRIKA

Shir heer sare ah oo 18-kii Sebteembar lagu qabtay xarunta CSIS…

  • Soomaliya

    20-09-2026

  • 09:00PM