​Taliyihii Nabad Sugida Galmudug oo xilka laga qaadey [AKHRI]

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", ayaa xilka qaadist ku sameeyay Talihihii Ciidamada Nabad Sugida maamulkaasi, Cali Cilmi Yuusuf "Ilka-Case."

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha, ayaa xilka looga xayuubiyay Taliye Ilka-Case, iyadoo go'aankan loo cuskaday qodobka 50-aad, Faqradiisa 5-aad, ee Dastuurka Galmudug.

Madaxweyne Geelle ayaa ku sheegay sababta xilka qaadista inuu ku kacay amar diido iyo Howl-gudasho la'aan. Waxaa lagu amray Saraakiisha kale inay sugaan amniga inta Taliye xusub laga soo magacaabayo.

Xilka qaadistan ayaa kusoo beegmaysa, xilli uu Madaxda sare ee Galmudug ka dhex-taagan yahay Khilaaf sii xoogaysanaya, oo soo billowday Todobaadkii tagey, kaasi oo salka ku haya go'aankii Xaaf uu kula saftay Xulufada Sacuudiga.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Cabdi Xaashi "Carabey", iyo Afhayeenka Barkamanka maamulka, Cali Cagal Casir, ayaa kasoo horjeestay Go'aankii Madaxweynaha, maadaama aan lagala tashan.

Wararka aan ka helayno magaalada Cadaado ayaa sheegay in maanta Ciidamada amaanka Galmudug is-hortaag ku sameeyeen Madaxweyne Ku xigeenka safar uu ugu ambabaxi lahaa magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xaaf oo hadda ku sugan magaalada Abu Dhabi, ee Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in uu ku saxnaa go'aankiisa, maadaama ay ku jirto danta shacabkiisa.

Hoos ka akhriso Wareegtada xilka qaadista:

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM